Agaasimaha Benfica: Cidna Kama Baqeyno, Waxaana Fursad U Heysanaa Inaan Garaacno Chelsea.

0

(Berberanews Sports):- Agaasimaha kooxda Benfica Rui Costa ayaa aaminsan in kooxdiisa ay ka badin karto Chelsea wareega 8da ee Champions League.

Kooxda reer Portugal ayaa markii ugu horeysay taariikhdooda waxa ay koob yurub ah kula kulmi doonaan Chelsea, iyadoo mar sii horeysay uu tababare Jorge Jesus uu sheegay inuu doonayay inuu ku soo aado Blues, madaama uu rikoor fiican ka heysto kooxaha Ingariiska.

“Chelsea waa koox weyn, waxa ay heystaan ciyaaryahano waa weyn, lakiin Benfica iyadaba waa koox weyn, cidna kama baqeyno” ayuu u sheegay Costa Benfica TV.

“Waxa uu noqon doonaa kulan adag, lakiin Benfica fursad ayay heystaa”

“Waxaan ku dhex jirnaa sideeda kooxood ee ugu fiican Europe. Marnaba ma aanan fileynin inaan ku soo aadno koox sahlan, sababtoo ah maba jirto” 

“Cabsi naguma heyso inaan marka hore ku ciyaarno Estadio Da Luz ka dibna aan booqano Stamford Bridge” ayuu hadalkiisa ku koobay.

Agaaasimaha guud ee kooxda Chelsea Gourlay ayaa soo dhaweeyay in kooxdiisa ay ku soo aaday Benfica, isagoo yidhi isku aadka ka dib sida tan:

“Isku aadka aad ayuu inoogu fiicanaa. Waxba ma ahan cida aad ku soo aado wareegaan, mar walba waa koox adag, lakiin waxaa inoo muhim ah inaan marka hore marti ahaano ka dibna aan garoonkeena ku danbeyno. Waxaan qabaa inaan isku aadkaan ku faraxsanahay”

“Wax badan ayaa ka ogahay Benfica, xaqiiqdii waxa ay kaalinta koowaad kaga soo baxeen group-kii Manchester United. Waa koox xoogan, inaan laciyaarnana isha ayaan ku heynaa”

Lugta hore ee wareega 8da waxa ay ka dhici doontaa Portugal 27ka March.

Mustafe Maxamud Diiriye

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports