Agaasimihii Hay’adda NISA oo xilka laga qaaday

0

Muqdisho-(Berberanews)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa shaqada ka joojiyay Agaasimihii Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir,.

Raysal-wasaare Rooble, ayaa xilka si ku meel gaadh ah Agaasimaha guud ee NISA ugu magacaabay Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe).

Raysal-wasaare Rooble oo Shaqada Ka Joojiyey Agaasimihii Nabadsugidda Fahad Yaasiin oo uu Amray in lagu Maxkameeyo Kiiska Ikraan Tahliill

 Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida inuu baadho kiiska Ikraan Tahliil Faarax, isla markaana uu horgeeyo Maxkamadda awoodda u leh.

Halkaan ka Aqriso qoraalka kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble :-