Alshabaab iyo Somalia oo sheegtay inay kala dileen askar badan

0

Muqdisho(Berberanews)-AlShabaab ayaa sheegtay inay afartan askari ku dileen, kontan kalana ku dhaawaceen qarax ka dhacay Muqdisho.

Qaraxa ayaa lagu beegsaday xarunta tababarka ciidanka ee Janaraal Dhego badan, halkaas oo shalay lagu diiwaan gelinayay dhalinyaro loo diyaarinayay inay ku biiraan ciidanka.

Waxaa jira warar is khilaafsan oo kasoo baxaya tirade waxyeelada uu geystay weerarkan.

Qof ismiidaamiyey ayaa isku qarxiyey xarunta tababarka oo Muqdisho ku taal.

Dowladda ayaa sheegtay in ay dhinteen 10 qof, oo markaa loo diiwaangelin lahaa tababar ciidan, halka 20 kalana ay dhaawacmeen.

Dhanka kale, Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadoodu ay dileen 300 oo dagaal yahan oo katirsan Al Shabaab.

Dagaalyahanadan ayay sheegtey dowladdu iney ku dishay hawl galada culus ee ay beryahan ka wadey furimo kala duwan.

Warbaahinta dowladda, ayaa baahisay in ciidamadoodu ay kala dhantaalen saldhig ay leeyihiin Alshabaab, kaasoo u qaabilsanaa dhanka saadka.

Dhawaanahan ayey dowladdu waxey ka wadey hawlgallo qeybo kamid ah gobolada, hawlgaladan ayey ka fulisay badhtamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Dowladda waxey intaa ku dartey in ciidamadu ay burburiyeen keyd cunto oo ku yaalla degmada Maxaas, oo dhacda bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale ciidamadu waxey la wareegeen bakhaar ku yaalla tuulada War Ciise oo katirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee Koonfurta Soomaaliya, halkaasoo ay Al Shabaab u isticmaali jireen keydinta hubka iyo shidaalka.

@Bbc Somali