Amb James Swan Oo Ka Hadlay Wixii Ka Dhacay Xallane

0

Muqdisho(Berberanews)-Dawladda Maraykanka, ayaa ka hadashay shirka loogu baaqay hoggaamiyayaasha Soomaalida ee la filayo inuu maalinta beri ka qabsoomo xerada Xallane ee garoonka Aden Cadde oo xarun u ah AMISOM.

Qoraal kasoo baxay Safaarada Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in lagu amray hoggaamiyaasha maamul gobolleedyada Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed, Hir-Shabeelle iyo Galmudug aannay ka bixi karin magaalada Muqdisho ilaa inta heshiis laga gaadhayo muranka doorashada.

Warka Saafaradda Marayakanka ee Soomaaliya, ayaa sidoo kale lagu sheegay in dadka Soomaaliyeed xilligaan doonayaan doorasho ka qabsoonta dalkooda, wallaw aan weli wax heshiis ah laga gaadhin doorashada.

Waxayna ku xustay qoraalka ay soo saartay Safaaraddu in guuldarada shirku aannay ahayn doodaha ay dhegaysan karaan bulshada Soomaalidu.

Qoraalka, ayaa kusoo beegmay, iyadoo la filayo in Maalinta beri 22 March 2021, la filayo inuu Muqdisho ka furmo shirka hoggaamiyayaasha Soomaalida ee u dhaxeeya Madaxda dowladda  Federaalka ah iyo kuwa dawlad goboleedyada.

Sidoo kale, warka kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa kusoo beegmay, iyadoo