Amiirka Qatar oo tegay Sucuudi Arabia

0

QAAHIRA —(Berberanews)-Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al-Thani ayaa tagay dalka Sucuudiga saacado yar un kadib markii labada waddan ay ku heshiiyeen inay isku furaan xuduudaha dhulka, cirka iyo badda oo xidhnaa muddo ka badan 3 sano oo khilaafkoodu cirka isku shareeray.

Dhaxal-sugaha Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa ku soo dhoweeyey Amiirka magaalo ku taalla dhinaca waqooyi Galbeed ee Sucuudiga oo uu ka dhacayo shirka waddamada gacanka.

Dowladaha Sucuudiga iyo Qadar ayaa ku heshiiyey inay si rasmi ah isugu furaan xuduudaha cirka, dhulka iyo badda oo xidhnaa laga soo bilaabo bishii June ee sannadkii 2017-kii, waxaanna heshiiskan ku dhawaaqday dowladda Kuwait, iyadoo sidoo kale uu Boqorka dalka Sucuudigu casuumad rasmi ah u fidiyey Amiirka Qadar, si uu uga qaybgalo shirweyne ay isugu yimaadeen dalalka Gacanka Carabtu Salaasada maanta.