AMISOM oo dad shacab ah ku laayay gobolka Shabeellaha Hoose

0

Warrarka laga helayo gobolka Shabeellada Hoose ee Soomaaliya ayaa sheegaya in todobo qof oo rayida isku meel lagu dilay ka dib markii uu dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Uganda ee qaybta ka ah AMISOM iyo kuwa Al-shabaab.

Barqadii ayay ahayd markii kolonyo ciidamada Uganda ah oo marayay inta u dhaxaysa Danow iyo Golweyn ay wadada u galeen Al-Shabaab halkaas oo uu dagaal culus ka dhacay.

Dagaalka Ka dib ayaa la sheegay in ciidamada Uganda ay shan qof oo rayida kala baxeen beer ku taala meel u dhow halka uu dagaalku ka dhacay, sidoo kalena laba darawal oo kalena kala dageen gawaaridii ay wateen.

Gudoomiyaha Deegaanka Shalambood, Nuur Cusmaan Raage oo BBC Somali la hadlay ayaa AMISOM ku eedeeyay in dadkaas rayidka ah ay dileen.

“Inta indhaha ka xireen ayey ku fariisiyeen miino ka dibna way ku qarxiyeen”, ayuu yiri Nuur.

Sarkaal ka tirsan ciidamada AMISOM oo codsaday in aan magaciisa la shaacin oo aan wax ka weydiinay dhacdadaasi ayaa BBC-da u sheegay in arrintaasi aanay wali maqlin balse ay xog dheeraad ah oo arrintaasi ku saabsan raadin doonaan.

Balse Gudoomiyaha Shalambood wuxuu yiri: “Iyadoo xabado la isku ridaayo haddii dadka ay dhintaan, qofba meel ayuu ku dhimanayaa. Dadkaan waa dad la soo uruuriyay oo gacmaha iyo indhaha laga xiray ka dibna la laayay waayo”, ayuu yiri.

AMISOM oo barteeda Twitter-ka soo dhigtay qoraal ku saabsanaa dagaalkii maanta waxay sheegtay: “Intii is difaacidda ay socotay, 7 argagixiso ayaa lagu dilay, kuwa kalena waa lagu dhaawacay, hubna waa la soo qabtay.”

“AMISOM waxay bogaadineysaa geesinimada iyo howlgalka degdegga ah ee askarteeda oo mid ka mid ah uu ku dhaawacmay”, ayaa ku xusan qoraalka.

Dhageyso Wareysiga uu Weriyaha BBC ee Muqdisho, Ibraahim Maxamed Aadan la yeeshay Gudoomiye Nuur.

Sources Bbc Somali