Andre Villas-Boas Oo Beeniyay In Chelsea Ay Qorsheyneyso Inay Iska Iibiso Fernando Torres.

0

T(Berberanews Sports):- ababaraha kooxda Chelsea Andre Villas-Boas ayaa shaaca ka qaaday in qorshaha aanay ugu jirin inuu iska iibiyo ciyaaryahanka 50ka milyan ginni ugu fadhiya Fernando Torres.

Wargeyska Daily Mail ayaa shalay qoray in Stamford Bridge ay diyaar u tahay inay dhageysato dalabka ilaa 20 milyan ginni iyo kooxdii mushaharkiisa bixin karta weeraryahanka oo Blues kaga soo biiray Liverpool Janaayo 2011.

Lakiin Villas-Boas oo xagaagii macalin u noqday Chelsea aayaa sheegay in ciyaaryahanka reer Spain uusan iib ku aheyn qiimo kasta.

Daily Mail Ayaa Shalay Daabacday In Torres Uu Iib Ka Yahay Chelseakasta.

Torres oo xilli ciyaareedkan ku bilowday ilaa 11 kulan ayaa haatan boos joogta ah ka waayay kooxdiisa isagoo dib uga dhacay Didier Drogba iyo Daniel Sturridge, waxaana uu ahaa bedel aan la isticmaalin kulankii Manchester City.

Lakiin tababare Villas-Boas ayaa shirkiisa jaraa’id ee maanta oo khamiis ah ku yidhi: “Fernando Torres iib ma ahan qiimo kasta oo la sheego, haatan iyo xagaagaba”

Sidoo kale waxa uu tababaraha ka hadlay shakiga la gelinayo mustaqbalka ciyaaryahan Frank Lampard oo lala xidhiidhiyay kooxda LA Galaxy ee dalka Mareykanka.

Mustafe Maxamud “Kastam”

Kastam@berberanews.com

Berberanews Sports