“Aniga CID-da la iigama Yeedhi Karo, Wax Su’aalo ahna Layma Weydiin Karo, Waayo Wuxuu ka Mid Yahay Xafiisyada aan Maamulo.” Taliye-ku-xigeenka Booliska Somaliland

0

Hargeysa (Berberanews)Ku-simaha Taliyaha, ahna Taliye-ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Mr. Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle, ayaa ku dooday in aan looga yeedhi karin xafiiska laanta baadhista dambiyada bilayska ee CID-da maadaama uu isagu xukumo, waxaannu waxba kama jiraan ku tilmaamay in xafiiskaas looga yeedhay si wax looga weydiiyo tuhunno la xidhiidha qaddiyadda lunsiga raashinkii mucaawanada ahaa ee saddex masuul u xidhan yihiin.

 “Aniga xafiis CID oo la iiga yeedhay ma jiro, la iigamana yeedhi karo, wax su’aalo ahna ima weydiin karaan, waayo wuxuu ka mid yahay xafiisyada aan maamulo, laakiin xafiiskaas waxa taallay shaqo, waxaanan u tegay isku dubba-ridka shaqadaas iyo wixii natiijo ah ee taal,” ayuu yidhi Mr. Fooxle oo u warramay telefishanka madaxbannaan ee HCTV shalay.

 Waxa kaloo uu taliyuhu iska fogeeyey inuu jiro wax lug ah ku lahaa raashinka la musuqmaasuqay, isagoo nasiib-darro ku tilmaamay warar warbaahinta qaarkeed baahiyeen oo lagu sheegay inay jiraan tuhunno musuqmaasuqaas ku saabsan oo isaga galay.

 “Waxa nasiib-darro ah in wax walba la iska qoro. Anigu ciidan ayaan ahay, ciidankuna waajibaadkiisa ayuu gudanaayey, waxaannuna masuul ka ahayn raashinkaas raridiisa iyo nabadgelyadiisa, waxaanan ku wareejinay masuuliyiintii loo soo magacaabay hadday lunsadeena iyagaa lagala xisaabtamayaa.

 Anigu taliye ayaan ahay oo shaqada waan qaybiyaa, hawshaasna hoggaanka ciidanka ayaa si wacan u fuliyey, wax ka dayacmayna ma jiraan. Waxaan halkan idinka sheegayaa in raashinkaas la raray saddex jeer; laba jeer ciiddanka Booliska ayaa raray oo wax dhibaato ah oo ka dhacayna may jirin, marka saddexaadna wuxuu ahaa markii ay loo xilsaaray masuuliyiinta xidhan, markaa labada jeer ee ciidanka hadal kama iman ee waxa hadalku ka taagan yahay waa markii saddexaad ee gacanta saddexaad soo gashay ee ay masuuliyadeeda lahaayeen ciddii loo magacaabay.”

 Dhinaca kale, Taliye-ku-xigeenku waxa uu daboolka ka qaaday in muddo 48 saacadood gudahood ah maxkamad ku horkeeni doonaan saddexda masuul ee u xidhan musuqmaasuqa ee kala ah Badhasaabkii hore ee gobolka Maroodi-jeex, Agaasimihii hore ee Wasaaradda Dib-u-dejinta iyo La-taliyihii Madaxweyne-ku-xigeenka.

 “Hawshan [dacwadda masuuliyiinta raashinka u xidhan] baadhisteedii way dhammaatay, 48-ka saacadood ee soo socda ayaana loo gudbinayaa Maxkamadda Gobolka, wixii qoraallo iyo caddayn ahna waannu u haynaa, waanay naga soo dhammaatay hadda oo maxkamadda ayaannu ku wareejinaynaa,” ayuu hadalkiisa ku soo koobay Taliye Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle.

Berberanews.com

Hargeysa, Somaliland

Email,info@berberanews.com