“Aqoonsi caalamiya oo Somaliland heshaa wuxuu noqon doonaa mid aanu kaga qaybgalo dhismaha Somalia nabadgelyo iyo xasilooni ka dhalato..”Madaxweyne Silaanyo

0

London (Berberanews)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamud (Siilaanyo) oo ka mid ahaa Madaxweynayaasha lagu martiqaaday shirkii Somalida ee maanta ka dhacay Xarunta Lancaster House ee dalka Britian, ayaa gelinkii danbe ka jeediyay khudbad uu kaga hadlay sooyaalka taariikheed ee Somaliland iyo aragtida Somaliland eek u waajahan sidii xasilooni looga abuuri lahaa Somalia.

Madaxweynaha Somaliland oo aragtidiisa ka dhiibtay nabadgelyo ka dhalata Somalia waxa uu sheegay in aqoonsi Somaliland ka hesho bulshada caalamku uu gacan ka geysan karo iyo inaanu xalku ku jirin dawlad debeda lagaga keeno, balse loo baahanyahay in wadanka gudihiisa laga unko, iyadoo tusaale loo soo qaadan karo qaabkii Somaliland nabadgelyada ku sammaysay, “Dooda caalamiga ah ee ku saabsan mustaqbalka Somaliland waa bilowga dariiq wadankayaga u horseedi kara ictiraaf, waxaannu aaminsahay aqoonsi caalamiya oo Somaliland heshaa wuxuu noqon doonaa mid aanu kaga qaybgalo dhismaha Somalia nabadgelyo iyo xasilooni ka dhalato.” Ayuu yidhi Madaxweyne Silaanyo.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu khudbadiisa ku soo qaatay sooyaalka taariikheed ee Somaliland iyo rabitaankii shacabku dib ugula soo noqday xoriyaddooda 20 sano ka hor, sidaa daraadeedna uu qadarinayo rabitaanka shacabka uu hoggaamiyaha u yahay.

Berberanews.com

Email,info@berberanews.com