Aqoonyahan Cabdisalaan Cali Maxamed oo isku sharraxay Baarlamaanka gaar ahaan Gobolka Saaxil

0

rgeysa(Berberanews)-Aqoonyahan Cabdisalaan Cali Maxamed, ayaa ku dhawaaqay inuu u sharraxanyahay tartanka Doorashada Golaha wakiillada Somaliland ee la filayo inay dalka ka dhacdo sannadka 2019.

Aqoonyahan Cabdisalaan Cali oo haatan ku sugan dalka Maraykanka, ayaa si rasmiya u shaaciyay inuu u taaganyahay Doorashada Golaha Wakiillada gaar ahaan uu iska soo sharraxayo Gobolka Saaxil.

Aqoonyahan Cabdisalaan Cali Maxamed, oo ka mid ah dhallinyarradii ku barbaartay magaalada Berbera oo uu waxbarashadiisii ku soo qaatay, kana soo shaqeeyay, islamarkaana ay dhallinyarada magaalada iyo Gobolka Saaxilka si wacan u garanayaan.

Haddii aanau nahay bahda shebekadda Berberanews, waxaannu soo dhawaynaynaa musharraxnimada Cabdisalaan oo ah nin dhallinyaro ah aqoonyahan ah oo wax badan u qaban kara deegaankiisii uu ku soo barbaaray.