Aragtidii M. Siyad Barre iyo Doorashada Barlamanka Somaliland ee Muqdisho?

0

Adam Muse Jibril

Dib u Raac Dawyadii shalay, maxaa daal la Korodhsaday. Saaka taariikhdu 29/9/2021, waxaan Idaacada BBCda ka dhegeystey doorashada Barlamaanka Somaliland oo Muqdisho lagu qabanayo, iyo khudbad uu jeedinaayo Prof. Cabdi Ismaciil Samatar oo uu leeyahay “ii hiiliya aan idiin hiiliyee”. Markaas baan xasuustay Xisbi magaciisu aha Hiil-qaran, oo Cabdi iyo Axmed Samater iyo rag kale sameeyeen, kaas oo markii dambe iska baaba’ay. Khudbadda Prof. Cabdi waxaan ka gartay in uu yahay nin baadi ka luntay oo raba in uu soo dhacsado, laakiin ay ka maqan tahay halka iyo cidda ay baadidaasi ku maqan tahay.

Baadida ka maqan dadka Somaliland waa xuquuqaha oo ay ugu wayn tahay tan siyaasadu, meesha ay ku maqantahay na waa Muqdisho. Waxaan kaloo xasuustay hadal la yidhi waxuu dhex maray Cabdilqaasim Salaad Hassan iyo Meles Zenawi; Cabdilqasim ayaa ku yidhi madaxdii shirka IGAD fadhiday: “Waxaan dacwad u qabaa Meles Zenawi, oo ah ninka dalkayga kala goynaya”. Meles Zenawi waxuu ku yidhi “Mr. Qaasim, bal marka hore Muqdisho midee? markaa aniga iga dacwood”. Haddaba, Xuquuqda dadka Somaliland soo dhacsadeen 1991 ma kula tahay in si sahal ah loo dhiibi doono mar dambe? Jawaabtu waa maya.

Midnimo caddaalad ku dhisan cidda waddaa ma kula tahay inay tahay  kuwa wada in Barlamaanka Somaliland Muqdisho laga soo doorto, Jawaabtu waa maya. Kuwa aaminsan hab-Dhaqankii iyo fekerkii 1960kii ee dedafeeyey Xuquuda Somaliland oon midnimo iyo qaranimo  Somaliyeed midnaba dan ka lahayn ee ayagu iska wada qaatay dhammaan dheeftii dawladii Somaliyeed, ma kula tahay inay maanta u danaynayan midnimo iyo qaranimo Somaliyeed, jawaabtu waa maya. Kuwii leh hab-dhaqankii Hargeysa iyo Burco burburiyey, ma kula tahay inay maanta Somalinimo iyo midnimo doonayaan, Jawaabtu waa mayaa. Kuwa leh hab-dhaqanka cunaqabataynta saaran shacabka Somaliland, ma kula tahay inay  khayr u soo sidaan Somaliland, jawaabtu waa maya. Kuwa leh hab-dhaqankii burburiyey midnimadii ummadda Somaliyeed haddana weli sii kala fogeynayaa, ma kula tahay inay wadaan midnimo caddaalad ku dhisan, Jawaabtu waa maya.

Haddaba  Noloshu waa koritaan iyo dhicitaan, dawladnimaduna waa sidaas oo kale, Qabiil iyo Qaran waa laba heer oo kala duwan, waana wax koritaanka bulshada la xidhiidha. Dawladnimadii 1960kii waxay ahayd mid dibedda laga keenay oo Gumaysigu samaystay. Dadka Somaliyeed waxaa ka dhexeeyey af-Somaaliga, diinta iyo dhaqanka, wax maamul ah oo ka dhexeeyey ma jirin. Markii ciidamadu qabsadeen  maamulkii dawladnimo 1969kii waxay dooneen in ay kor ka dhisaan dawlad Somaliyeed, taasoo noqotay mid keligi talis ah, waxaana laga dhaxlay oo maanta meesha dhibtu ka jirtaa ay tahay Sidee dib loogu dhisi karaa dawlad Somaliyeed: Ma dagaal iyo xoog, iyo in kor laga soo dhiso, mise in hoos iyo wada hadal iyo wax la isla oggol yahay (consensus based Solution arrangements) mise dawlado shisheeye, lacag shisheeye iyo ciidamo shisheeye . Jawaabtu waxay tahay; maanta sida keliya ee Dawlad Somaliyeed loogu dhisi karaa waa qaabka Somaliland u dhistay  dawladnimada oo ah: 1) Dibuheshiisiin lagu bilaabay shirar dhaqan-siyaasadeed oo hoos laga soo dhisay, iyo dhaqaalaha oo ka yimaada dalka  gudihiisa. 2) Abuurid qaab dawladnimo loo dhan yahay oo laga bilaabay hub ka dhisgis maleeshiyaadkii iyo dhisid ciidan qaran. Maanta waxa isdiiddani waa argtiyo ee maaha dad keliya oo isqabtay, waa aragtidii Somali-wayn ee Siyaad Barre iyo aragtida Somali Dimoqoraadi ah oo la yidhaahdo Somaliland.