Arday reer Somaliland ah oo laga soo samata-bixiyay Deegaanka Tigreega

0

Itoobiya-(Berberanews)-Arday reer Somaliland oo muddo ku xannibnayd magaalada Makelle ee deegaanka Tigreega oo ay ku hareeraysanyiniin ciidanka Itiobiya ayaa lagu guulaystay in laga soo samata-bixiyo.

Safiirka Somaliland ee dalka Itoobiya Yuusuf Maxed Guuleed oo waraysi siiyay Bulsho Tv, ayaa ka hadlay xaaladda ardaydaas.

“Wasaaradda Arrimaha Debedda Itoobiya oo aan shalay la kulmay waxay ii sheegtay in ardayda hawshoodu dhowdhowdahay war farxad lehna ay igu soo celin doonto, warkiina wuxuu noqday in ardaydii ay soo gaadhay xadka canfarta oo lasoo qaaday intoodii badnayd.” Ayuu yidhi safiitmu.

Halkan ka dhegayso waraysiga Safiirka oo dhammaystiran.