Armenia oo xamaanta ka guratay qaybtii u horraysay ee Dhulka Karabaakh iyo guryo ka gubay

0

Armenia-(Berberanews)-Ciidammada Armenia, ayaa ka baxay qaybtii u horraysay ee Gobolka Karabaakh, sida uu dhigayay heshiiskii xabad-joojineed ee lagu joojiyay dagaalkii Armenia iyo Azerbaijan.

30 sannadood oo ay sharci darro ku haysatay Armenia Gobolka Karabaakh, ayaa markii u horraysay lagu qasbay inay iskaga baxaan dhulkaas ok qaybo ka mid ah ay ciidammada Azrebajan awood ku qabsadeen.

Boqollaal guri oo dab ay qabadsiiyeen Armenianka ayaa la arkayay, iyagoo isleh yaan laydiinka aayin, ka dib markii ay halkaas iskaga huleeleen.

Dawladda Ruushka ayaa dhawaan heshiis ay kala dhexdhigtay labadaas dswladood, waxaa lagu gaadhay in dhulka Karababaakh ee Armenia ku sugantahay ay si nabadgelyo ah ugu gacangeliyaan Azerbajain muddo kooban.