Arsene Wenger Oo Si Aan Hore Loo Arag U Canaantay Ciyaartoydiisa Ka Dib Guuldaradii Milan.

0

(Berberanews Sports):- Sida ay saaka qorayaan wargeysyada Daily Mail iyo Daily Mirror macalinka kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa ciyaartoydiisa u canaantay si aan hore loo arag ka dib guuldaradii habeenka arbacada ka soo gaadhay AC Milan.

Tababaraha ayaa kulan degdeg ah shalay kula yeeshay ciyaartoyda garoonka tababarka, waxaana la soo sheegayaa inuu ku qeyliyay islamarkaana uu canaantay ka hor inta aanay gelin tababarkii khamiista.

 

Wenger ayaan ciyaartoydiisa la hadlin ka dib guuldaradii San Siro, inkastoo uu saxaafada ka sheegay inuu kulankaas uu ahaa kii ugu xumaa ee Arsenal ee ciyaaraha Yurub.

Lakiin markii England lagu soo laabtay, tababaraha ayaa u sheegay ciyaartoyda inay hoos u dhigeen kooxda iyo taageerayaasheeda, waxaana uu dalbaday inay jawaab ka bixiyaan inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Wenger, oo kansalay saxaafada oo uu shalay ku qaabili lahaa garoonka tababarka ayaa carro kala duldhacay ciyaartoydiisa, waxaana qaar ka mid ah oo ay la sheekeysatay Daily Mirror ay sheegeen in aanay hore u arag isagoo sidaasi u cadheysan.

Waxaa la rumeysnaa inuu tababaraha Arsenal qorsheynayay inuu nasasiiyo inta badan ciyaartoyda kulanka sabtida ee FA Cup ee ay la ciyaarayaan Sunderland, lakiin haatan xaalka sidaasi uma eka.

Wenger ayaa ka warqaba inuu cadho kala kulmi doono taageerayaasha hadii ay ka hadhaan FA Cup seddex maalmood ka dib markii rajadooda Champions League inta badan mugdi weyn la geliyay.

Wargeyska Daily Mail ayaa isna dhankiisa sheegaya in tababaraha uu doonayo inuu xagaaga iska iibiyo ciyaartoyda aan horusocdka laheyn.

Sida wargeysku qorayo Theo Walcott ayaa ugu waa weyn ciyaartoyda uu Wenger qorsheynayo inuu iska iibiyo.

Mustafe Maxamud

Kastam@berberanews.com

Berberanews Sports