Askar Faransiis ah oo lagu laayay dalka Mali

0

Mali-(Berberanews)-Laba askari oo Faransiis ah ayaa Sabtidii ku dhintay dalka Maali markii gaadhigooda gaashaaman lagu dhuftay walxaha qarxa oo macmal ah.

Labadooduba waxay ku sugnaayeen gobolka bariga ee Menaka oo ay ka uruurinayeen sirdoonka, sida ay sheegtay madaxtooyada Faransiiska.

Waxay ku soo beegmaysaa maalmo ka dib markii seddex kale oo Faransiis ah ay sidan oo kale u dhinteen.

Faransiiska waxaa ka jooga 5,100 oo askari oo ku sugan gobolka Saaxil oo safka hore kaga jiray dagaalka lagula jiro mintidiinta Islaamiyiinta muddo ku dhow toban sano.

Faransiisku wuxuu markii ugu horreysay soo farageliyay gobolka Saaxil – dhul ballaadhan oo oomane ah oo koonfurta ka xiga Saxarahaoo ay ku jiraan Mali, Chad, Niger, Burkina Faso iyo Mauritania –

Dhimashadan ugu dambeysay waxay ka dhigeysaa 50 tirada askarta Faransiiska ee lagu dilay Mali tan iyo 2013.

Wasiirka ciidamada Faransiiska Florence Parly ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qortay in Faransiiska ay waayeen “labo ka mid ah caruurteeda” Sgt Yvonne Huynh iyo Brig Loïc Risser.

Sgt Huynh, oo ah 33 jir, ayaa ahayd haweeneydii ugu horreysay ee askar Faransiis ah lagu dilo Sahel, AFP ayaa raacisay.

Horraantii toddobaadkan saddex askari oo kale oo Faransiis ah ayaa lagu dilay Mali, sidoo kale markii qarax macmal ah lala eegtay gaadhigooda.

Xaaladaas maleeshiyo ka tirsan Kooxda Taakuleynta Islaamka iyo Muslimiinta (GSIM), oo xidhiidh la leh al-Qaacida, ayaa sheegay inay iyagu ka dambeeyeen weerarka.

Ma jirto cid wali sheegtey inay qaadeen weerarkii Sabtidii