Askar lagu la’yahay doon ku dagtay badda gobolka Shabeellaha Hoose

0

Warrarka ka imaanaya magaalada Marka ayaa sheegaya in la la’yahay afar askari oo ka tirsan milatariga Soomaaliya kadib markii dooni ay la socdeen ay xalay ku rogmatay xeebbaha deegaanka Jilib Marka, sida uu BBC-da u sheegay guddoomiyaha Marka, Cabdillahi Cali Axmed oo loo yaqaano Waafow.

Doonta oo ka baxday xeebaha Muqdisho kuna socotay degmada Marka ayaa waxa la socday taliyihii ciidamada milatariga ee Marka iyo 17 askari kuwaas oo 14 kamid ah la soo badbaadiyay.

Sidoo kale waxa la la’yahay hubkii ay siteen askarta doonta la socotay.

Muddooyinkii dambe saraakiisha ciidamada iyo dadka dawladda u shaqeeya ee ku socda Marka ee ka taga Muqdisho waxay raacayeen doonyo iyagoo ka baqaya haddii ay dhulka marraan in waxyeello ka soo gaarto weerrarada Al-Shabaab iyo miinooyinka ay dhulka ku aasaan.

Xigasho Bbc Somali