Askar ka tirsan Dawladda Somalia oo lagu dilay Shebellada dhexe

0

Shabeele-(Berberanews)-Saddex askari oo ka tirsanaa ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa lagu dilay  fiidnimadii Axadda  weerar gaadmo ah oo ay ku qaadeen  xoogagga Al-shabaab saldhig ay ku lahaayeen ciidanka dowladda gobolka Shabeellada Dhexe.

Wararka ayaa sheegay in Al-shabaab  ay weerareen ciidan ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo fadhiisin ku lahaa  degmada Balcad  halkaas oo uu ka dhacay dagaal saacado kooban socday.

Warka ku saabsan geerida askarta waxaa xaqiijiay saraakiisha militariga dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeellaha dhexe.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, waana qeyb ka mid ah weerarrada joogtada ah ee kooxda ay ku badhtilmaameedsaneyso saldhigyada ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda.