Ayesha Khan: ‘Taliban ma oggola fannaaniinta,

0

Ayesha Khan waxay ku fadhisay roog caddeys ah, waxayna ku luuqeyneysay hees. Mar qura ayay si lama filaan ah u oyday, wariyaha laanta BBC-da ee Urdu, Humaira Kanwal, waxay sheegtay inay weyday qaab ay ku aamusiiso.

Muddo dhowr isbuuc ah, Ayesha waxa ay ku nooleyd hal qol oo ku yaalla meel ka baxsan dalka Afghanistan.

Kaddib markii ay Taliban xukunka qabsadeen, waxaa lagu khasbay in ay ka cararto gurigii ay ka dagganeyd magaalada Kabul, ayna ka qaxdo waddankeeda hooyo, balse intaasoo dhan ka sokoow, waxay ka tagtay riyooyin qabyo u ahaa.

“Sababta aan waddankeyga uga tagay ma aha inaan ahay gabadh Muslim ah oo aan xidhanin xijaab aam jidhkeeda oo dhan qarinin,” ayay ku tidhi BBC-da.

“Waxaan dalkeyga uga tagay sabab la xidhiidha inaan ahay haweeney iyo inaan ahay fannaanad.”

Maamulka Taliban ayaa mamnuuca muusiga iyo inta badan dhaqamada fanka.

Balse kiiska Ayesha, waxaa intaas usii dheer in ay tahay haweeney, kooxdanina aanay waxyaabo badan u fasixin dumarka.

“Taliban waxay nagu khasbeen inaan ka tagno xirfadaheenna,” ayay tidhi Ayesha. “Maalmahan way adag tahay inaad ahaato haweeney reer Afganistan ah, laakiin fannaannimo lama tusi karo Taliban.”

‘Xiddigta Afghanistan’

Ayesha waxa ay caan noqotay kaddib markii ay sanadkii 2018-kii kasoo muuqatay barnaamijka sida weyn telefishinka looga daawado ee lagu magacaabo “Afghan Star” -(xiddigta Afghanistan).

Labadii sano ee lasoo dhaafay ayay Kabul ku baraneysay muusiga, waxa ayna hibo gaar ah u leedahay soo bandhigidda fanka ee tooska ah.

Ayesha Khan

Qoraalka sawirka,Ayesha waxa ay soo caan baxday 2018-kii

Ayesha waxay sheegtay inaysan waligeed joojin karin muusiga. “Aad baan usoo dadaalay, habeen iyo maalinba, sababtoo ah waan jeclahay muusiga. Ma iska dhaafi karo,” ayay tiri.

“Aniga ahaan, muusiga waxa uu ii yahay shey aad ku cabireyso qofka aad tahay iyo dhaqankaaga. Dumar ahaan, runtii way adag tahay inaan ka hadalno sida aan dareemeyno, balse waan ku muujin karnaa muusiga, sababtoo ah qof walba ahaa jecel muusiga.”

Go’aankii ay uga tagtay Afghanistan ma ahayn mid sahlan. Ayesha waxa ay gurigeeda kasoo qaaday boorso dhar ah oo kaliya, waxayna wajaheysay safar dheer oo ay uga gudbeysay xadka.

Riyadeeda ah inay fannaanad noqoto ayaa durba kala dhex gashay xiriirka ka dhaxeeya iyada iyo qoyskeeda.

“Waxaan ahaa ardayad dhigata sharciga. Aabeheen ayaa na geeyay iskuullo iyo jaamacado fiican, balse waxa uu rabay inuu iga dhigo qareen, xirfaddaas oo ah mid aanan anigu daneyn jirin,” ayay tiri.

Ayesha ma jecla inay ka hadasho sida ay u kala tageen qoyskeeda, laakiin waxay shegetay inay “wajahday caqabado badan markii ay dooraneysay xirfadda fannaannimada”.

Iskuulka markii ay ku jirtay waxay ku luuqeyn jirtay nabi amaanka, oo ah nashiidooyin lagu amaano nabi Muxammad NNKH.

Macallimiinteeda aad bay ula dhacsanaayeen hibada ay u leedahay dhinaca codka, balse guriga qoyskeeda lagama jecleyn macallimiintaas.

Dhowr sano ka hor, markii lagu soo daray dadka ka qayb galayay tartanka lagu galayay barnaamijka “Afghan Star”, Ayesha waxay ka tagtay guriga qoyskeeda, waxayna dagtay hoteel.

Waxay ogeyd in qoyskeeda aysan aqbali doonin inay barnaamijkaas ka qayb gasho.

“Tartanka Afghan Star waxa uu ahaa mid caan ka ah dalka oo dhan,” ayay tiri. “Waan ogaa in qoyskeyga aysan waligood ii oggolaan doonin haddii aan fasax weydiisto.”

Tan iyo markii ay xaaladdu adkaatay, oo Taliban ay la wareegeen waddanka, Ayesha waxay shegetay inay seexan weysay. Waxa ay ka walwaleysay saaxiibbo “loo hanjabayay dhibaatooyin badanna kala kulmayay” kooxdaas.

“Meelna ma aadi karaan, xitaa ma mari karaan waddada. Aad bay u qalbi jabsan yihiin,” ayay tiri.

“Go’aan sahlan ma aha in wareysi laga bixiyo xaaladda hadda taagan, balse waxaan rabaa inaan u hadlo dhammaan saaxiibbadeey iyo fannaaniinta kale ee ku nool Afghanistan iyagoo khatar ku jira,” ayay sii raacisay hadalkeeda.

Waxay dooneysaa inay farriin u dirto Taliban – Afghanistan “waxaa iska leh dhammaan dadka reer Afghanistan”.

“Afghanistan ma laha Taliban oo kaliya. Taliban waa in ay dumarka u oggolaadaan inay xushmad ku noolaadaan iyagoo heysta xuquuqdooda.

Ayesha Khan

Qoraalka sawirka,Ayesha waxay Taliban u direysaa farriin ay ugu sheegeyso in Afghanistan ay wada leeyihiin dadka u dhashay waddanka oo dhan

Ayesha waxa ay sidoo kale farriin u direysaa adduunka.

“Dadka da’deyda ah waxay dareemayaan amni darro weyn, sidaas darteedna waxaan ka codsanayaa caalamka inuu u istaago sidii uu nooga caawin lahaa inaan dib u helno xorriyaddeenna.”

Markii uu sii dhammaanayay wareysiga ay siineysay wariyaha BBC-da, Ayesha waxay mar kale billowday inay oyso. Kaddibna waxay billowday inay ku heesto luuqadda Urdu.

Ayesha waxay u hadleysaa jiil xirfad leh oo reer Afghanistan ah, kuwaasoo diiday inay galaan xilli kale oo mugdi ah.