Aynu u gurmanno qoyska dayacan

0

Innaa lillaahi wa innaa illaayhi raajicuun.

Waxaa nasiib darro oo oo dareen xumo ah oo doqoniimo ah oo dayac xumo ah in aynu habeen iyo maalinba hoteelada cunto ee waawayn ka cunteyno iyadoo ay Innoo dhadhami wayday cuntooyinkii ka karsanaa guryeheenna dhinaceenana ay ugu bakhtiyaan carruuri gaajo.

Illaahay swtc isagaa ah kii wax walba og, oo ah deeqsiiye , dareen badane, dulqaad wayne deeqbixiye ahe waxaan uga baryayaa in uu qoyskaa carruurtoodu gaajada ugu dhimanayso hareerahayaga u gargaaro.

Hargeisa waxay yidhahdaan waa caasimad laakiin isma oga warna isuma hayso, inteena dareenka wanaagsan kujiraana waa dad aan waxba haysan iyo kuwo aan waxba ogayn.

Waxaan ummadda reer Somaliland yar iyo wayn ka codsanayaa in ay il naxariis leh ku eegaan qoyskaas innala degan caasimadda Somaliland, ee ka kooban hooyo iyo 7 carruur ah oo midi gaajo iga dhintay aabohoodna xanuun ugu xidhan yahay Cilaajka Aadan siiro, siday sheegtay hooyadaasi.

Aynu u gurmanno oo lixda kale iyo hooyadood yaanay inagu ag dhiman ee aynu u wada kacno walalayaal.

Video gan. waxaa ila wadaagay walaalkay Mohamed Deero oo ah shaqsi aad u naxariis badan oo u nugul dadyawga dhibaataysan had iyo jeerna ka shaqeeya sidii wax loogu qaban lahaaa.

Idinna sii faafiya qoraalka iyo codsiga qoyskaasba.

Bedbaadada ummada baahani waa bedbaadadaada.

Ahmed guudcadde