Baanka adduunka oo ogolaaday dhismaha jid isku xidha Somaliland iyo Djibouti

0

Djibouti-(Berberanews)-Wasiirka Maaliyadda Djibouti Ilyaas Muuse Dawaarre, ayaa sheegay in dawladdiisu samayn doonto wado isku xidha Djibouti iyo Somaliland.

Wasiirka oo ka hadlay kulanka Caalamiga ah ee Baanka adduunka oo ka dhacay Djibouti oo uu warbixin siiyay waddammada Deeqaha Bixiya iyo Hay’adaha ka taageera dhaqaalaha, ayaa sheegay in dariiqaas isku xidha Somaliland iyo Djibouti uu ahmiyad weyn u leeyahay.

Wasiirka oo arrintaas ka hadlayaa wuxuu yidhi”Waxaa anaga noo farxad ah mashruuc madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti ku weynaa aan isla fahamnay dariiq Djibouti ilaa Hargeysa isku xidha in Baanka adduunku nala qaateen.”

Halkan ka daawo warbixinta oo dhammaystiran