Baarlamaanka Puntland oo xilkii ka qaaday Guddoomiyihii

0

Garowe-(Berberanews)-Xildhibaannada Baarlamaanka dowlad gobolleedka Puntland oo ayaa goor dhaw cod gacan taag ah xilkii uga qaaday guddoomiyihii Baarlamaanka Cabdixakiin Doobo-Darreed.

Kulanka waxaa soo xaadiray oo ku sugnaa  53 mudane, waxaana shir guddoominyay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Abuukaate Cabdicasiis oo mooshinkan markii horeba qabtay.

Xildhibaanno gaaraya 49 mudane ayaa ansixiyay u codeeyay mooshinka xil ka qaadista,  halka 4 Xildhibaan ay ka aamustay, iyadoo tani ka dhigan tahay in sidaas  xilka looga xayuubiyay Guddoomiyihii Baarlamaanka C/xakiin Dhoobo  Daareed.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa lagu eedeeyay in uu ku xadgudbay dastuurka, isla  markaana xarunta baarlamaanka uu soo geliyay ciidamo beeleed.

Magaalada Garoowe gaar ahaan xarunta Baarlamaanka waxaa xalay ka dhacay  dagaal dhaxmaray ciidamada Booliiska iyo maleeshiyaad la sheegay in ay ka amarqaataan guddoomiyaha xilka laga qaaday waxaana ku dhintay in la ogyahay Afrax ruux.