Baarlamaanka Somalia oo warqad u qoray Madaxweynaha in askar Somali ahi ka qaybgaleen dagaalka Tigree

0

Muqdisho-(Berberanews)-Dawladda federaalka Somalia, ayaa hore iskaga fogaysay in askar Somali ahi ku lug lahayd dagaalkii Tigray-ga haddana waxaa isasoo taraya wararka sheegaya in ay Dagaalka qayb ka ahaayeen Ciidammo tababar u joogay Eritrea.

Guddoomiyaha guddida arrimaha dibada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warqad uu ku codsanayo faahfaahin la xadhiidha arrintan u qoray madaxweynaha Soomaliya Farmaajo.