Baasaaboorka Faqashta

0

Waxan jeclay inaan idiinsoo gudbiyo dareen xoog leh oon ka qabo dhacdo Hargeysa ka dhacday oo aan aad uga xumaaday! Anigoo u riyaaqay md MBC oo sheegay inuu diiday 60 Milyan oo lasoo mariyay Soomaaliya iyadoo uu taxgelinayo madaxbanaanida iyo sharafta Somaliland.

Hadaba waxan YouTube ka arkay arday u dabaaldegaysa in visa Turkiga lagu galo oo waxbarasho ah loo soo saaray oo sharikad la yidhaahdo Dalmar usoo saartay iyadoo soo bandhigtay baasaabooradii Soomaaliya oo ardayda loo soo saaray.Waxa layaab ah iyadoo Turkigu uu ogolyay baasaboorka Somaliland oo ay qunsuliyadi Hargeysa joogto waxa ku kelifay inay sharikada Dalmar baasaboor dowlada cadowga ah Hargeysa kuu faafiso qudhunkooda? Miyaynaan madaxbanaanideenii lasoo noqon 30 sano ka hor???!! Maxay se dowladu talaabo sharci ah uga qaadiweyday kuwa hirgelinaya faqashta ee Hargeysa jooga! Meeday xukuumadi? mee sharcigii iyo dowladnimadi??

Berbera News arintaa fadlan baadha oo war kasii daaya oo fadeexadeeya sharikada Dalmar ee waxaa ku kacday ee wakiilka u ah faqashta.

 Anigu mar aan walaalkay oo xanuunsanaya aan rabay inaan Turkiga geeyo waxa dacaayad suuqa la geliyay in baasaboorka faqashta oo qudhiya lagu tegi karo, haseyeesha markaan weydiiyay qunsuliyada Turkiga waxay iisheegeen in ka Somaliland la aqbalayo oo waan geeyay waanay aqbaleen.

Goobjooge