Baashe Cawil Ooo Madaxweynaha Xamar ka qaatay warqad u fasaxaysa Inuu Magaca dawlada Somalia kula macaamili karo Shirkadaha ganacsiga ee Ajnabiga ah

0

Hargeysa-(Haatuf/Berberanews)-Baashe Cawil oo ah wiil uu sodog u yahay Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa sanadkii hore madaxweynaha Xamar Xasan Sheekh Maxamuud ka qaatay warqad rasmi ah oo isagoo madaxweynihii Somalia ah uu ku cadaynayo in dawlad ahaan aanay waxba ka qabin in Baashe Cawil la macaamilo Heshiisyana la Gali karo shirkadaha ganacsiga ee ajnabiga ah. 

Siday ilo lagu kalsoon yahay sheegeen warqadan oo af-Ingiriisiga loo yaqaano “Non-objection letter”, af-Carabigana “Kitaab cadam mumaanaca” ayaa Baashe Cawil waxa uu isticmaalaa marka uu hawlo ganacsi ugu safro magaalooyinka Dubia, Abu Dhabi iyo Nairobi.

Inkastoo aan Baashe Cawil xil rasmi ah ka haynin dawlada Somaliland hadana mudadii afarta sanadood ahayd ee ay xukuumada Kulmiye talada dalka haysay ayaa waxa uu noqday ninka ugu awooda badan xukunka dalka ee labeeya Madaxweynaha Axmed Siilaanyo.

Shirkado ajnabi ah oo uu ula tagay warqada uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka qaatay ayaa waxay Baashe Cawil ku tilmaameen ninka wakhtigan ugu awooda badan Soomaali maadaama uu kalsooni buuxda iyo taageeraba ka haysto labada Madaxtooyo ee Somaliland iyo Somalia-ba.

Dhinaca kale Baashe Cawil ayaa waxa dhawaan ka fashilmay qorshe ganacsi oo ugu hoos jiray mashruucii diiwaanagalinta rayidka kaas oo fulintiisa uu sii salaxday in la siiyo sharikad Pakistani ah oo uu kula soo balamay Nairobi in qandaraas mudadiisu tahay 70 sanadood lagu siiyo dhamaan hawlaha diiwaangalinta noocay doonto ha ahaatee.

Wargayska Haatuf ayaa bishii hore wax ka qoray dilaalistan 70-ka sano ee ku hoos jirtay mashruucii diiwaangalinta rayidka iyadoo Golaha Wasiiradu uu markaas kadib go’aansaday in mashruucaasi la shaaciyo oo qandaraas (tender) lagu bixiyo.

Baashe Cawil ayaa sabtidii dhaweyd u amba-baxay Nairobi halkaas oo qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland ay hore u sheegeen inuu guri ka iibsaday, waxaanu dhawrkii maalmood ee u dambeeyey ku sugnaa hotel habeenkii lagu seexdo $500 dollar oo ku yaala harada dalxiiska loo tago ee Naivasha taas oon ka fogayn magaalada Nairobi.

Xigasho Haatuf