Baashe oo Xafiiskiisa ka caydhiyay Golaha Abwaannada Somaliland ergougu tagtay

0

Hargeysa(Berberanews):- Guddiga Mus-dambeedka Golaha Abwaanada waa wayn ee Somaliland, ayaa maanta shaaca ka qaaday tallaabo ay fool-xumo dhaqanka ka baxsan ku tilmaameen oo ay sheegeen inuu kula kacay Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax oo Guddoomiyennimada Golaha Wakiillada Somaliland oo uu hadda sheegto qaabkii Codayntii doorashadiisu u dhacday Muran ka taagan yahay, ka dib markii Codadka Shir-guddoonku ugu dhawaaqay noqdeen Codadkii uu helay Musharrixii la tartamayey ee Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle lixdii bishan.

Guddiga Mus-dambeedka Golaha Abwaannada Somaliland oo Shir Jaraa’id Isniintii Maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay Ergo iyo dhex-dhexaadinta khilaafka ka taagan natiijada codayntii Guddoomiye-nimada Golaha Wakiillada ugu tageen Baashe, isla markaana uu ku gacan-saydhay Ergadooda, iyaga oo xusay inuu ku dhawaaqay oo uu kula kacay Erayo iyo Hadallo Dhaqanka iyo Milgaha Ergo lagula dhaqmo ee Soomaalida ka fog.

Afhayeenka Guddiga Golaha Abwaannada Somaliland ee Mus-dambeed Suxufi Maxamed Xasan Cali Weji, Guddoomiyaha Ururka Abwaannada Abwaan Maxamed Aadan Dacar, Abwaan Muuse Cali Faruur, Abwaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ay weheliyaan Xubnaha kale ee Guddiga, ayaa ka hadlay Shirkaas Jaraa’id, isla markaana sharraxaad ka bixiyey waxa ay kala kulmeen Xildhibaan Baashe Maxamed Faarax iyo Garabka Xildhibaannada taageersan ee Muxaafidka u badan.

Hadallada ay ka jeediyeen Afhayeen Weji iyo Guddiga Abwaannada Somaliland ee Mus-dambeed Shirka Jaraa’id ee ay Isniintii Maanta ku qabteen magaalada Hargeysa oo dhammaystiran, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-