Badhasaabka Gobolka Saaxil Muxuu ka yidhi Fiintii dhexmiratay Tolkii, Fudaydka lagu xanto, Faaladda Qurbajooga, Farogelinta shaqooyinka iyo Filashadiisa wadashaqayneed ee Cali Xoor Xoor?

1

Hargeysa-21,Dec,2011-(Berberanews)- Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), oo ah masuul inta badan fir fircooni dheer dhiggiisa gobollada kale ee dalka, balse lagu xanto fudayn iyo farogelin uu ku sammeeyo shaqooyinka hay’adaha dawladda ee Gobolka Saaxil, ayaa markii u horraysay si cad uga jawaabay dhalliilaha lagu ladho dedaalkiisa iyo duruufaha sababta u ah.

Badhsaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan waxa uu jawaabahaas iyo arrimmo badan oo kaleba kaga hadlay waraysi khaasa ii uu xafiiskiisa maanta ku siiyay Tifatirayaasha shebekadaha Berberanews iyo araweelonews; Maxamed Siciid Cabdillaahi iyo Carraale Maxamuud Jaamac oo safar shaqo ku jooga magaalada Berbera ee Gobolka Saaxil.

 

Badhasaab Ramaax waxa uu ugu horayn si sharaxaad kooban ka bixiyay xaaladda Guud ee Gobolka Saaxil xilligab ku suganyahay, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Xaaladda guud ee gobolku waa mid nabadgelyo oo ah ta ugu muhiimsan, waana gobolka ugu dembiyada yar Gobollada Somaliland, waa gobol ganacsi oo isugu jira dhul-xeebeed, dhul oogo ah iyo guban, immikana waxay Berbera ku jirtaa dhawrka billood ee ugu cimilada wanaagsan, guud ahaan xaaladdu aad bay u fiicantahay.”

Su’aal: xagga waxbarashada iyo Caafimaadka cabashooyin badan baa ka  jiray Gobolka Saaxil illaa hadda maxay xukuumadda cusub ka qabatay?

Jawaab: Geedka marka la beero muddaa la sugaa oo uu soo baxaa, waxaad moodaa in dad hore u gabay waajibaadkii dalka iyo umaddu ku lahaa ay qabtaan inay had iyo jeer gabbood ka dhigtaan dhalliilo, laakiin waxa gobolka Saaxil laga qabtay ma qarsoomayo. Haddaan kuu soo qaato waxbarashada waxaan aaminsanahay inay tahay meelaha isbedelka weyni ku dhacay, haday tahay iskuulada iyo maamulka oo si aanu u toosino laba goor isbedel ka dhacay iyo meelaha qaar oo saddex goor ah, si loo toosiyo hannaanka waxbarashada. In badan baanu ku faani jirnay gobol ahaan miisaaniyadayadu waa 15 milyan bishii, in ka badan kala badh waxaanu u leexinay inaanu waxbarashada gelino oo macalimiin dheeraada ugu qabano, Guddi waxbarasho oo ka kooban maamulka gobolka ayaanu u sammaynay oo waxaannu u helnay dhaqaale dheeraada oo macalimiintu ku qanacsantahay, iyadoo waxbarashaduna kor u soo kacayso, laakiin maalin qudha amma sanad-dugsiyeed waxbarashadu iskuma bedelayso.

Waxaanan filayaa inaanu ugu horayn doono gobollada dhinacyada dhismayaasha iskuulada oo aanu meelo badan ka dhisnay gaar ahaan Berbera, laakiin dhisme waxba ma taro, waxaannu xoogga saarnay sidii loo dhisi lahaa macalimiinta iyo ardayda.  Awoodda ugu badan waxaannu saarnay sidii loo heli lahaa macalimiin tayo leh, loona heli lahaa wax ku filan meel fiicana way noo maraysaa.

Su’aal: Badhasaab ahaan waxaad tahay badhasaabka ugu dhaqdhaqaaqa badan badhasaabyada dalka, dad badana waxay aaminsanyihiin inaad tahay masuul garanaya awooddiisa xilka uu hayo, laakiin khaladaad badan  gala, waxaana jirtay cabashooyin badan oo dadka deegaanku Madaxweynaha gaadhsiiyeen, arrimahaa sidee baad u aragtaa xaggee bayse marayaan?

Jawaab:Run ahaantii, isma faaninayo, laakiin shaqada halkan [Saaxil] ii taala waa inaan fuliyaa, waxkasta oo la qabanayona wada-tashi baanu ka yeelanaa aniga iyo ku-xigeenkayguba, waxaanaannu meesha u joognaa inaanu fulino siyaasadda dawladda, taa iyada ah dad badan baa u haysta inuu xafiis iska caadiya yahay xafiiskaygu. Xafiiskan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland baan wakiil uga ahay iyo dhammaan wasaaradaha Gobolka ka hawlgala oo aanu wakiil uga nahay wasaaradahooda, si aanu siyaasaddii wasaaradda oo la jaanqaadaysa siyaasadda guud ee dalka ku hagno, markaa waxa nagu waajiba inuu dhaqdhaqaaqayagu bato oo inuu kormeerkayagu bato. Way dhici kartaa meelaha qaar inaanu ku qaldano, lamana odhan karo wax walba waanu ku saxanahay laakiin siyaabihii hore uga jiri halkan kama jiraan, nin xafiis iska fadhiya oo iska yeesha ma yeelayno mana aqbalayno, waana inuu ka soo baxo xilka iyo waajibaadka qaran ee saarnaa, anagoo ka duulayna siyaasadda dawladda oo ah in wax la qabsan karo, in bulshada loo adeego oo xafiis kastaa shaqadiisa ka soo baxo illaa kuwa dakhli ururinta.

Dad badan baa leh, maxaa badhasaabku u soo farogelinayaa, waa run ilaa dakhliga la ururinayo ayaanu farogelinaa maamul gobol ahaan si aanu ula socono xafiiskaasi inuu gudabayo shaqadiisa iyo in kale.

Arrinta cabashooyinka deegaanka kuma sii dheeraanayo, way jirtaa dadka in maamulka taageersan iyo dhalliilsaniba, mana wada saxnin oo bini’aadam baanu nahay, mana diidayno wixii dtallooyin ah ee nalagu toosinayo  ee talo naloola yimaado, laakiin awoodayada ma bixinayno.

Su’aal: Waxa jirta isbedel lagu sammeeyay Maamulka Dekedda Berbera, oo la keenay maareeye muddo dheer soo waday, adigu sidee baad u aragtaa?

Jawaab: Anigu waan soo dhawaynayaa sababtuna waxay tahay de xilku waa meerto shalayna nin baa joogay maantana nin baa jooga, hadalkaasna waxaan la sugayaa xil-wareejinta kana sii hor dhici maayo, ammar kasta oo dawladda ka soo baxa inaanu fulinno waajib na saaran weeyaan.

Su’aal: Dad badani waxay isweydiinayaan ‘sidee bay u wada shaqayn karaan Ramaax iyo Cali Xoor Xoor oo isagu awood badan ku lahaa Gobolka’ maxaad kaga jawaabaysaa?

Jawaab: Waxaan kaga jawaabayaa inaanu wada shaqayn karno… kkkkk [qosol] sharci iyo nidaam baa la kala leeyahay, Calina runtii waa nin muddo badan halkan [Dekedda] ka soo shaqaynayay, nidaamkii horena la shaqaynayay, way jirtaa rag dawladdii hore la shaqaynayay immikana wadashaqayni naga dhaxayso sida Maayarka Berbera oo kale, isaguna [Cali Xoor Xoor] inuu nagu soo biiro, anaguna aanu soo dhawayn doono, waxaanan filayaa wadadii aanu haynay inuu qaadi doono.

Su’aal: Xagga qurbojooga Gobolka Saaxil oo inta badan aad uga soo jorjeeda amma dhalliila siyaasadahaaga maxaad kaga jawaabaysaa.?

Jawaab: Qurbojooga ka mid baan ahay, qofku marka uu dalka ka maqanyahayna wax badan baanu fahamsanayd, anigu ma ahayn ragga qaarkii. Qurbojoog waan ahaa laakiin waan ka soo noqday, siyaabaha qurbojiigu u fekeraana waan aqaanaa, siyaabahay u dhaqmaan, aragtiyaha ay dalka ka haystaan, waxaanse u soo jeedinayaa inay xaqiiqda ku soo dhawaadaan oo ay ka baxaan khayaaliga iyo beentana iska daayaan.

Halkan ka dhegays0 Waraysiga Badhasaabka 

                                                                                             [audio:https://berberanews.com/wp-content/uploads/2011/12/Badhasaabka-Saaxil.mp3|titles=Badhasaabka Saaxil]

Berberanews.com

Berbera. Office

Email, info@berberanews.com


1 COMMENT