Badhasaabka Gobolka Saaxil oo ka hadlay markab Dekedda Berbera keenay carruur laga soo xaday dalka Yemen

0

Berbera-(Berberanews)-Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa ka hadlay sagaal carruur ah oo nin iyo gabadh u dhashay Dalka Itoobiya ka soo xadeen dalka Yemen.

Sagaalka Caruurta ah oo saarnaa markab maanta ku soo xidhay Marsada magaalo-xeebeedda Berbera, oo da’doodu aad u yaryartahay ka ugu weynna saddex jir yahay iyo kuwo raad-dhaqaajisa waxa kagu hayaa Guri ku yaalla Berbera oo kiiskooda boolisku ku baadhayo.

Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleeban oo shebekadda Berberanews wax ka weydiisay dhacdadan iyo xaaladda carruurta yaryar, ayaa si kooban ugu jawaabay oo yidhi, “Waxaa weeye markab baa siday nin iyo gabadh warqaaqo foojari ahna way sitaan oo ay ka sammaysteen Cadan, Caruurta laba ka mid ah waraaqo ma laha, todoba ayaa waraaqo leh. Carruurta magacyadooda ma garanayaan, waana carruur la soo xaday oo tiradoodu sagaal tahay ooo Somali iyo Oromo isugu jira.”

Badhasaabku waxa uu intaa ku daray in xaaladda caafimaad ee carruurtu fiicantahay islamarkaana cuntooyin iyo dhakhtarba ay gaadhsiiyeen maamul ahaan, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi, “Xaaladoodu way fiicantahay Guri baa la geeyay, dhakhtar iyo cuntooyinba waa la siiyay oo gacantaanu ku haynaynaa inta baadhistayadu ka dhammaanayso.”

Badhasaabka oo aanu wax ka weydiinay in carruurta arrimmo ganacsi loo soo qaaday iyo in kale, waxa uu sheegay inaanu ka hor dhacayn baadhista, “Dunida wax kastaa way iska dhacaan, waxaan ka hor dhici karo maaha, waana carruur qof aan dhalini sito, Qaar baa hadda raad-dhaqaajiyay, ka ugu weynina waa saddex jir.”ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).

Berberanews.com

Email,info@berberanews.com