Bakool: Qarax lagu laalay askar ka tirsan ciidanka Somalia

0

Muqdisho-(Berberanews) -Qarax loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay ayaa lagu dilay askar ka tirsan militariga Soomaaliya gobolka Bakool.

Qaraxan oo ka dhacay degmada Waajid ayaa lagu badhtilmaameedsaday askar ka tirsan militariga Soomaaliya, waxaana goobta lagu dillay saddex askari iyadoo tiro kalana ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa kaddib ayaa waxaa ay ciidamadu adeegsadeen rasaas xooggan hasse ahaatee lama sheegin cid wax ku noqotay rasaastaasi.

Al-shabaab ayaa weerarro ba’an ka geysta qeybo ka mid ah gobollada Baay iyo Bakool, iyaga oo qaar ka mid ah deegaanadaasna go’doomiyay.