Balcad: Khasaaraha weerar Alshabaab u geysatay ciidanka dawladda

0

BALCAD — Wararka ka imanaya magaalada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in maanta qarax miino lala eegtay gaadhi kuwa dagaalka ah oo ay saaraayeen ciidamo ka tirsan milatariga dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa weerar lagu qaaday gaash nooca rakaabka qaada ah oo ay saaraayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

Qaraxa iyo weerarka oo ka dhacaay deegaanno ka ku yaalla duleedka degmada Balcad ayaa lagu soo warramayaa inuu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Kooxda Al-Shabab ayaa sheegatay in weerarkaas ay ku dileen shan ka mid ah askartii gaarigaa saarneyd.

Wariyaha VOA-da Xuseen Xassan Dhaqane ayaa warbixintan Beledweyne kasoo diray.