Bandhigii Lionel Messi! Barcelona Oo Camp Nou Si La Yaqaano Ugu Xasuuqday Bayer Leverkusen.

0

(Berberanews Sports):- Barcelona ayaa wacdarro ku dhigtay garoonkeeda Camp Nou ka dib markii ay 7-1 ku xasuuqeen kooxda Bayer Leverkusen kulankii lugta labaad ee wareega 16ka Champions League, taasoo ka dhigeysa inay wareega 8da ugu soo gudbeen wadar ahaan 10-2.

Lionel Messi ayaa bandhig weyn ay u aheyd inuu afar gool ku dhaliyo Camp Nou, waana markiisii ugu horeysay ee uu shabaqa ku soo taabto garoonka Barcelona xilli ciyaareedkan isagoo ciyaaraya Champions League.

Xiddiga sannadka adduunka ayaa daqiiqadii 25aad goolka hore u furay kooxda difaacaneysa koobkaan, isla isaga ayaana u labeeyay ka hor inta aysan dhamaan qeybtii hore ee ciyaarta.

Markii la isku soo laabtay ayay Barca cashar aan caadi aheyn u dhigtay kooxda Jarmalka oo markeedii horeba rajo xumo ku soo gashay garoonka, Lionel Messi ayaa seddexleydiisa buuxsaday 4 daqiiqo markii ay socotay qeybtii labaad.

Ciyaaryahanka da’da yar Cristian Tello ayaa markaasi gool isna ku darsaday goolashii tirada badnaa ee Barcelona isagoo ciyaarta ka dhigay 4-0, lakiin Messi ayaa yidhi halkaasi iiguma hakato waxaana uu ku daray goolkiisii afaaraad ahaana goolkii 5aad ee Barcelona, ka hor Tello inta uusan dhalin goolkii lixaad ee Barca. 

Bayer Leverkusen oo markaan ay ciyaarta daqiiqado waxoogaa ah uga harsaneyd ayaaa waxa ay ka joogtay yaa mar uun kulankaan soo gabgabeeyay oo halkaan inoogu sima.

Lakiin Messi shabaqa iyo isaga ayaa kala daalay markii uu hadana mar kale shabaqa soo taabtay waxaana uu goolkaan ahaa kiisii 5aad iyo kii 7aad ee kooxda Barcelona.

Ugu danbeyntii daqiiqadii 90aad ee ciyaarta ayaa ciyaaryahan Bellarabi uu halkoo gool u soo celiyay kooxda Jarmalka.

Messi ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay taariikhda intii koobkan loo bixiyay Champions League ee dhaliya shan gool hal kulan kaliya, lakiin marka kaga hadlayo European Cup waxaa hore shan gool u soo dhaliyay Søren Lerby 24kii October 1979kii.

Lionel Messi waxa uu meel dheer haatan ku sii xidhay gooldhalinta Champions League isagoo leh 12 gool, waxaana ciyaaryahanka ku soo xiga Gomez uu ka sareeyaa kala bar intaas.

Mustafe Maxamud “kastam”

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports