Barca Oo Dooneysa In La Isku Bedelo Labada Lug Ee Copa Del Rey Ee Osasuna, Madaama Ay Shaqo Ka Hayaan Camp Nou.

0

(Berberanews Sports):- Kooxda Barcelona ayaa ka dalbatay xidhiidhka kubada cagta Spain RFEF in dib loo dhigo kulanka lugta hore ee koobka Copa del Rey oo lagu ciyaari lahaa 4ta bisha Janaayo garoonka Camp Nou markaasoo ay soo booqaneyso kooxda Osasuna.

Barcelona ayaa wareega 16ka ee koobka Boqorka Spain waxa ay la ciyaareysaa kooxda Osasuna, iyadoo 4ta Janaayo ee sannadka soo socda ay ku qorsheysan tahay inay lugta hore ay ka dhacdo Camp Nou.

Lakiin Barcelona ayaa dib habeyn ku sameyneysa garoonka Camp Nou, iyagoo bedelaya ciida iyo cowska garoonka islamarkaana soo dhigaya cows cusub.

Shaqadaasi cawska looga bedelaayo garoonka Camp Nou ayaa waxa ay bilaabaneysaa maanta iyadoo socon doonta ilaa 29ka bishaan December. Inkastoo lugta hore ee Copa del Rey la ciyaarayo 4ta Janaayo hadana Barca waxay dareensan tahay in cawska cusub ee garoonka la dhigayo uu u baahan yahay in la siiyo waqti dheer si uu isku qabsado.

Waxaana ay soo jeedinayaan in kulanka lugta hore lagu ciyaaro garoonka kooxda Osasuna, si markaasi kulanka lugta labaad loogu ciyaaro Camp Nou 11ka ama 12ka Janaayo.

Xidhiidhka kubada cagta Spain ayaan weli ka jawaabin codsiga kooxda Barcelona, halka Osasuna ay iyadana ka hadlin arintaan weli.

Mustafe Maxamud “kastam”

kastam@berberanewsc.com

Berberanews Sports