Barcelona Oo 7 Gool Kaga Talaabsatay Rayo Vallecano Islamarkaana Dib U Dhigtay Dabaaldega Madrid.

0

Spain (Berberanews Sports):- Barcelona ayaa si la yaqaano uga soo kabsatay natiijooyinkii xumaa ee ay wajaheen seddexdii kulan ee ugu danbaysay ka dib markii ay 7-0 ku xasuuqeen kooxda Rayo Vallecano oo marti loogu ahaa Campo de Fútbol de Vallecas, waxaana ay hakad geliyeen xafladii ay Real Madrid ugu dabaaldegi laheyd hanashada horyaalka.

Barcelona ayaa ciyaartaan soo aaday iyagoo maanka ku haya in guuldarro soo gaadhay horyaalka gacanta u gelineyso Madrid, lakiin goolal ay qeybtii hore kala dhaliyeen Lionel Messi iyo Seydou Keita iyo gool uu iska dhaliyay Rober ayaa kooxda Pep Guardiola u sahlay inay qeybtii hore ciyaarta ku hogaamiso 3-0, halka qeybtii labaad ay goolasha halkooda ka sii wadeen Thiago, Messi iyo Pedro oo labo gool kale sii dhaliyay.

Pep Guardiola ayaa lix bedel ku sameeyay kooxdiisa ku guuldareysatay inay guul ka gaadho Chelsea ee Champions League, waxaana ay dabaaldega Real Madrid ay dib ugu dhigeen wiiga soo socda.

Real ayaa ka war qabta in guul ay ka gaadho Athletic Bilbao 2da bisha May inay u xaqiijin doonto hanashada horyaalka La Liga markii 32aad.

Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa haatan gooldhalinta La Liga ku wada hogaaminaya 43 gool, iyadoo seddex kulan ay ka hadhsan tahay horyaalka.

Mustafe Maxamud Diiriye

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports