Barcelona Oo Ku Guuleysatay Abaalmarinta Kooxda Sannadka Isboortiga Adduunka Ee 2011.

0

(Berberanews Sports):- Kooxda Barcelona ayaa loo magacaabay kooxda Isboortiga sannadka ee 2011, abaalmarinta caalamiga ee Laureus oo xalay lagu qabtay magaalada London.

Kooxda reer Catalan oo ku guuleysatay La Liga, Champions League, Spanish Super Copa iyo FIFA Club World Cup sannadkii hore ayaa abaalmarintan waxa ay ka qaaday kooxda heysata horyaalka kubada kolayga NBA Dallas Mavericks, Kooxda Formula 1 ee Red Bull, Xulka heysta koobka aduunka ciyaarta Rugby ee New Zealand, Xulka England ee kubada Kriketka, iyo xulka kubada cagta hablaha adduunka Japan.

Abaalmarinta isboortiga sannadka ee Laureus ayaa waxaa la sameeyay 1999kii si loogu aqoonsado wax qabadka sannadka ee Isboortiga aduunka. Kooxda kubada cagta Barcelona ayaa sidoo kale u tartameysay labo abaalmarin kale, iyadoo Lionel Messi uu u sharaxnaa xiddiga sannadka ee Isboortiga aduunka iyo Eric Abidal oo u sharaxnaa xiddiga ugu soo kabsashada fiicnaa sannadka.

Si kastaba, Messi oo bishii hore qaatay markii seddexaad abaalmarinta kubada cagta adduunka ee FIFA Ballon d’Or ayaa waxaa abaalmarinta isboortig sannadka 2011 ka qaaday xiddiga kubada Tennis-ka Novak Djokovic.

Xiddiga 1aad ee Tenniska Adduunka Novak Djokovic Oo Ku Guuleystay Abaalmarinta Xiddiga Isboortiska Sannadka 2011.

Dhinaca kale, Abidal oo ka soo kabsaday qaliin buro loogaga soo saaray beerkiisa islamarkaana kor u qaaday Champions League ayaa abaalmarinta xiddiga isboortiga ee ugu soo kabsashada badan waxaa ka qaaday xiddiga kubada Golf-ka Darren Clarke.

Mustafe Maxamud Diiriye

kastam@hotmail.com

Berberanews.com