Barcelona Oo Seddex Dhibcood Ay U Dagaalantay Camp Nou Kaga Qaadatay Sporting Gijon.

0

(Berberanews Sports):- Goolal soo daahay oo kala dhaliyeen Seydou Keita iyo Xavi ayaa siiyay 10 ciyaaryahan oo Barcelona ah inay 3-1 kaga badiyaan kooxda dhibtooneysa ee Sporting Gijon, iyagoo haatan Real Madrid u jira 7 dhibcood.

Sporting ayaa kansashay goolkii Andres Iniesta uu Barca hogaanka ugu dhiibay, markii ay barbarahooda ka heleen laacibkooda David Barral, waxaana bilowgii qeybtii danbe ee ciyaarta casaan ka qaatay Blaugrana ciyaaryahan Gerard Pique.

Inkastoo uu hal ciyaaryahan ka maqnaa, Barca iyada ay kubada sii heysatay, waxaana seddexda dhibcood u xaqiijiyay gool cajiib ahaa oo uu dhaliyay Kieta ciyaarta oo 11 daqiiqo dhiman, iyadoo Xavi uu dhamaadkii gool seddexaad ku daray. 

Barca ayaa ku dhameysatay sagaal ciyaaryahan ka dib markii Alexis Sanchez uu dhamaadkii ciyaarta ku baxay dhaawac, iyadoo kooxda martida loo ahaa ay markaasi wada isticmaashay seddexdeedii bedel.

Real ayaa dib u soo celin karta hogaankeeda 10ka dhibcood hadii ay caawa ka badiyaan kooxda Espanyol.

Mustafe Maxamud

Kastam@berberanews.com

Berberanews Sports