Barcelona Oo Shaacisay Ilaa Iyo Inta Uu Alexis Sanchez Garoomada Ka Maqnaan Doono.

0

(Berberanews Sports):- Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Barcelona Alexis Sanchez ayaa garoomada ka maqnaan doona muddo labo wiig ah ka dib markii uu xalay dhaawac ka soo gaadhay kulankii Sporting Gijon.

Xiddigii hore ee kooxda Udinese ayaa bedel ku soo galay 30kii daqiiqo ee ciyaarta u danbeysay isagoo bedelay Cesc Fabregas, lakiin inkastoo Blaugrana ay ugu danbeyn 3-1 ku badisay, hadana dhaawac ciyaaryahanka ayaa ahaa mid niyad jab ku noqday mar kale.

Dhaqaatiirta kooxda ayaa sheegay ciyaarta ka dib in jeex yar uu ka galay muruqa lugta midig, balse aanuu la mid aheyn dhaawacii uu mudada labada bilood la maqnaa oo kale. 

Alexis, oo xulkiisa Chile u ciyaaray kulankii ay la ciyaareen Ghana , ayaa 11 gool u dhaliyay Barca tan iyo intii uu 37 milyan euro kaga soo biiray xagaagii hore Udinese.

Mustafe Maxamud “Kastam”

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports