Barcelona Oo Shaacisay Mudada Uu Ciyaaryahan Andres Iniesta Garoomada Ka Maqnaan Doono

0

(Berberanews Sports):- Barcelona ayaa xaqiijisay in ciyaaryahan Andres Iniesta inuu dhaawac kaga maqnaan doono muddo seddex isbuuc ah ka dib markii muruqa uu jeex ka galay kulankii xalay ee El Clasico.

Ciyaaryahanka reer Spain ayaa dhaawacmay qeybtii hore ee ciyaartii ku dhamaatay 2-2 waxaana bedelay ciyaarta oo socota nusasaac ciyaaryahan Pedro.

Barca ayaa sheegtay in ciyaaryahanka uu la dhibtoonaya jeex yar oo ka galay muruqa, waxaana uu garoomada ka maqnaan doonaa muddo seddex isbuuc ah.

Kooxda reer Catalans ayaa waxaa ka maqnaan doonaa mid ka mid ah xiddigahooda, waxaa uu seegi doona kulamada La Liga ee Villarreal, Real Sociedad iyo Osasuna, waxa uu sidoo kale seegi doonaa kulanka lugta hore ee Bayer Leverkusen ee Champions League.

Iniesta ayaa markii afaraad uu dhaawac soo wajahayaa xili ciyaareedkan taasoo warwar ku abuuri karta ciyaaryahanka.

Alexis Sanchez oo isna ciyaartii xalay ku dhaawacmay ayaa maqnaan doono ku dhawaad muddo labo isbuuc ah.

Mustafe Maxamud Diiriye

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports