Barcelona Oo Xaqiijisay In David Villa Uu Garoomada Ka Maqnaan Doona Afar Ilaa Shan Bilood.

0

Kooxda Barcelona ayaa shaaca ka qaaday in ciyaaryahan David Villa uu garoomada ka maqnaan doono muddo shan bilood ah ka dib markii dhaawac xun uu lugta ka soo gaadhay semi-finalkii Club World Cup ee ay la ciyaarayeen shalay kooxda Al Sadd.

Waxaa bilowgii laga cabsi qabay in ciyaaryahanka uu maqnaanayo muddo lix bilood ah, ka dib markii uu dhaawac ka soo gaadhay qeybtii hore ee ciyaartii ay ku badiyeen 4-0.

 

Waxaana ay taasi keeni laheyd in xilli ciyaareedkan oo dhan uu maqnaado, taasoo halis gelin laheyd fursadii Euro 2012 uu kaga qeyb gali lahaa.

Lakiin baaritaano dheeri ah oo lagula sameeyay ciyaaryahanka Rosai Hosbital ee magaalada Yokohama waxaa lagu cadeeyay in ciyaaryahanka uu maqnaan doona afar bil ama shan bilood.

Villa ayaa ku laabanaya haatan Barcelona, waxaana uu halkaas ku geli doonaa qaliin maalmaha soo socda.

Waa dhaawacii ugu horeeyay ee saameeyay 30 jirkaan tan iyo intuu Barcelona kaga soo biiray kooxda Valencia.

Mar sii horeysay agaasimaha kooxda Barca Andoni Zubizarreta ayaa la weydiiyay hadii ay suuqa u galayaan bedelka David Villa lakiin waa uu ka gaabsaday inuu ka hadlo.

Mustafe Maxamud

Kastam@berberanews.com

Berberanews Sports