Barta Afsoomaaliga Barta Q3’aad Ereyga HOOYO

0
rbt

Afeef:- “Afsoomaaligu waa Afkaygii Hooyo, waana Afkaygii AAbo, Ha ahaadee maaha Af aan MADI Ku ahay, waxa ilawadaaga Malaayiin Ruux, oo iyaba Afkoodii Hooyo iyo AAbo uu yahay, waa Af qiimo Leh oo Qiimo iigu fadhiya, sidaa awgeed, qalinka umaan qaadan in aan Deel-qaaf u gaysto oo aan Erey Bixin iyo Erey Bedel Ku sameeyo, iga reeban!, waxaan se uqaatay Qalinka Waa Erey BARASHO iyo Erey Sharax, in aan Nal hoos dhigo, si Afsoomaaliga loo fahmo, ee Taa hala ogaado”.

Ereyga HOOYO waa Erey MAGAC ah oo facweyn, waana Magaca Kooba Sifooyinka Hooyo leedahay, waana Magaca Kooba Tix iyo Tiraab wax kastoo AfSoomaali ah, waayo Afsoomaaligu waa Afkii-Hooyo!.

Haddaba Ereyga HOOYO Halkee ayuu kasoo bilcamay ama kasoo Unkumay ama kasoo jeedaa?, Isna Ereyga HOOYO, Erey ahaantiisa muxuu Ka dhigan yahay ama macnaha Ereyga HOOYO waa maxay?.

Ereyga HOOYO waxa uu kasoo bilcamay Ereyga muga weyn ee “HOY”, (waar muxuu yidhi!? Hooyo iyo Hoy maxaa isku keeney?), waxa isku keeney, ila fahan Ereyga Hoy, Ereyga HOY maaha Erey Ka dhigan Guri ama Aqal oo keliya, waa Erey Ka dhumuc weyn, Magac Qof, Shay iyo goob Cid u gaar ah, Hoy waa magaca Goobta AAdame unolosha ah ee ay u noolyihiin inay ku noolaadaan, Hoy waa Gaari Haween marka laguursado, ee la gelbiyo, waa HOY-GALKA bilowga noloshuba, oo waa halka Ubadka lagu Barbaarsho ee Reer lagu DHaqo, Ereyga HOY laga geyoonmaayo, ee aan Ku dhaafo Hoy waa Halkay Noloshu Taalo ee Nooluhu Ku Xasilo, bal Hadaba Ereyga HOY Iyo HOOYO Halkay wax iskaga noqdeen si aynu u darisno waa in aynu ogaanaa waxa uu Ka dhiganyahay ama macnihiisu yahay Ereyga HOOYO.

Ereyga HOOYO waxa uu ka dhiganyahay ama macnihiisu uu yahay waa  “HOYSO ama TII HOYGA AHAYD”, (oo Hooyo inay tahay Tii Hoyga AHAYD maxaa caddayn u ah?), HOOYO inay tahay Tii Hoyga ahayd, waxa caddayn u ah Hooyo waa Tii Illaahay inagu dhex abuuray ee 540 ka Caano-maal Hoyga inoo ahayd, kuwa UUr-kuraaga ahi iyagu Kabo-badan ama Ka badan, markaa UUr Hooyo Hoy buu noqonayaa, Hooyo-na tii hoyga inoo ahayd, (waar bal sug uurka hooyo waa Hoy, se anigu uurkii HABARTAY ayuu ahaa halkaan ku jiray ee HOOYO siday ii Hoysay ee ay Hooyo u noqotay?).

Hooyo siday Ku timid, sidaynu u ogaan karnaa waa in aynu eegnaa waxa Soomaali HOYGA u ah, Qoomiyadaha aduunka Qaaradaha ku kala nool, Qolaba Shay ayey sheegtaan, in iyaga aan looga horayn shaygaa, fikir, tis-qaad iyo taabo-gal, Hadaba Halka Quruumaha kale maraakiib dayaarado Ka dul-haadayaan iyo Aalado casri ah sheeganayaan, Soomaalidu waxa keli ah ee magacooda laraaciyaa waa AQAL-SOOMAALI, AQAL-SOOMAALI muxuu yahay? Waa BUUL laga sameeyey Xiddido Dhir oo dhigo laga dhigay, Caws, Duur, tiirar Udub ah, Saan subkan si dhibicda Roobku uga Dul-roorto, waa intaas oo laga qotomiyey dhulka oo xadhko Maydhax laga soohay lagu xidhxidhay, Hadaba inta uu Ka kooban yahay Aqal-soomaaligu gebi Hooyo ayaa samaysay, Hooyo ayaana dhista, Hooyo ayaana ubudka ku dhaqda, ( oo ma waxaad leedahay Hooyo waxay HOOYO ku noqotay Aqal-soomaaliga?) Haa Aqal-soomaaliga waa Ku Hooyo, se magaca Hooyo wuxuu ku Baxay, Buulkaa Aqal-soomaaliga ahi siduu Ku bilaabmay!.

Oo siduu Ku bilaabmay?……………….. lasoco qormada danbe.

Fuad Fartaag                      17-12-2020

fartaagmuwaadin@gmail.com