Bayern Munich Oo Garaacday Real Madrid Lugta Hore Ee Semi-finalka Champions League.

0

(Berberanews Sports):- Bayern Munich ayaa labo gool iyo gool kaga talaabsatay kooxda Real Madrid kulanka lugta hore ee semi-finalka Champions League ciyaar xiiso laheyd oo ka dhacday Allainz Arena.

Real Madrid ayaa aheyd kooxdii heshay fursadii ugu horeysay ee ciyaarta markii Karim Benzema uu helay kubad u furan goolka Bayern, lakiin darbadiisa waxaa badbaadiyay goolhaye Manuel Nueur.

Bayern Munich ayaa hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 17aad markii kooner la soo tuuray uu fursad ku helay Franck Ribery kaasoo kubad awood leh dabamariyay goolhaye Iker Casillas, waxaana ay Bayern u muuqatay mid fursado abuureysa iyadoo fursad fiican oo uu helay Mario Gomez uu ka bixiyay goolhaye Casillas isla qeybtii hore ee ciyaarta.

Qeybtii labaad ayaa Real Madrid ayaa ciyaarteeda wax ka bedeshay, waxaana daqiiqadii 53aad ay heleen goolkii barbaraha markii Ronaldo kubad uu qasaariyay oo laabatay ka dib ay hadana mar kale Ronaldo u timid kaasoo u dhigay Mesut Ozil oo taagnaa afaafka hore ee goolka oo si aayar ahna ugu taabtay.

Mario Gomez oo fursado dhowr ah ka qasaariyay kooxdiisa ayaa ugu danbeyn goolka guusha u saxeeay daqiiqadii 89aad ee ciyaarta ka dib markii uu kubad joog hoose ah uu ka helay Philip Lahm.

Bayern ayaa guul muhim ah gaadhay lugta hore ee semi-finalka Champions League lakiin weli tartanka lagu gaadhayo finalka waa furan yahay marka ay bookhdaan Santiago Bernabeu wiiga soo socda. Iyadoo Real Madrid ay heshay gool ay ku dhaliyaan garoon ay marti ku ahaayeen.

Mustafe Maxamud Diiriye

Kastam@berberanews.com

Berberanews Sports