Bayern Munich oo kabaha la dulmartay Mainz

0

Ciyaaraha-(Berberanews)-Bayern Munich ayaa dhalisay shan gool qeybtii labaad ee ciyaarta madaama ay ka yimaadeen 2-0 oo ay ku garaaceen kooxda dhibtooneysa ee Mainz iyagoo labo dhibcood ku hogaaminaya Bundesliga.

Jonathan Burkardt iyo Alexander Hack ayaa kala dhaliyay qeybtii hore ee ciyaarta si ay uga nixiyaan kooxda difaacaneysa koobka.

Waxay ku qaadatay kaliya 10 daqiiqo qeybtii labaad ee ciyaarta Bayern inay barbaro la yimaadaan Joshua Kimmich iyo Leroy Sane.

Niklas Sule oo bedel ku soo galay ayaa sidoo kale shabaqa soo taabtay ka hor inta aanu Robert Lewandowski labo jeer shabaqa soo taaban, kii ugu horeeyay ee rigoorada.

Bayern, oo dub u dhacday ciyaartii sideedaad oo isku xigta, ayaa bedeshay RB Leipzig – oo 1-0 ku badisay Stuttgart sabtidii – iyadoo hogaanka u heysa miiska, halka Mainz ay weli ku jirto kaalinta labaad ee hoose.

Guushii Bayern ayaa ahayd tii seddexaad oo xidhiidh ah oo ay ka gaadhi horyaalka, waxaana ay sii dheereysatay rikoodhkeeda guul darro la’aanta ilaa 12 kulan.