Beesha caalamka oo walaac ka muujisay ismari-waaga siyaasadeed ee Somalia

0

Muqdisho-(Berberanews)-Beesha caalamka ayaa mar kale walaac ka muujisay ismari-waaga siyaasadeed ee ka taagan doorashada dalka Soomaaliya.

Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen Midowga Afrika, Midowga Yurub, urur goboleedka Igad iyo Qaramada Midoobey ayaa waxay walaac ka muujiyeen xaaladda dalka Soomalaiya.

Kulan ay xubnaha beesha caalamka yeesheen ayaa waxaa la iskula soo qaaday baaxadda ay leedahay ismariwaaga siyaasadeed ee ku aadan doorashada dib u dhacday.

Bayaanka beesha caalamka ayaa lagu sheegay in ay xushmeynayaan madaxbanaanida dhuleed, madaxbanaanida siyaasadeed iyo midnimada Soomaaliya.

Beesha caalamka ayaa mar kale hogaamiyayaasha Soomalida ugu baaqay inay danta qaranka ay wax waliba ka hormariyaan islamarkana ay sida ugu dhaqsiyaha badan ay wadaxaajoodyada dib ugu soo laabtaan.

Bayaanka beesha caalamka ayaa hoos looga xariiqay in heshiiskii 17 bishii September iyo talooyiinkii ay soo jeediyeen guddigii farsamada ee Beydhabo ay gundhig u noqon doonaan wadahadalada iyo waddada loo maro doorashada.

Dalalka saaxibada Soomaaliya ayaa waxay mar kale cadeeyeen in aysan aqbali doonin doorasho aan loo dhaneyn oo hal dhinac ah iyo waqti kordhin loo sameeyo hay’adaha dastuuriga.

Midowga Afrika, Midowga Yurub, urur goboleedka Igad iyo Qaramada Midoobey ayaa waxay dhammaantood walaac ka muujiyeen in ismariwaaga taagan uu saameyn xun ku yeelanayo nabadda, amaanka iyo xasiloonida Soomaaliya.

Dalalka beesha caalamka ayaa waxay dhanka kale ka digeen in laga dheeraado ficilo kasta oo oo horseedi kara inay xiisadda sii korodho.

Shirkii ugu socday teendhaha Afisiyoone madaxda Soomaalida aya natiiji la’aan ku soo dhamaaday.

Dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkaasi uu burburay.

Balse maamuladda Puntland iyo Jubaland ayaa dhankooda sheegay in aysan ogeyn meel uu shirkaasi ku fashilmay.

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo ayaa mudda xileedkiisa waxaa uu ku ekaa 8 bishii fabaraayo ee sanadkan.

Beesha caalamka ayaa tan iyo xilligaasi waday dadaalo ay isugu keenayso hogaamiyayaasha Soomaalida.

@Bbc