Berbera: Furitaanka mashaariic waaweyn oo Midowga Yurub Maalgelinayo

0

Berbera-(Berberanews)-Waxa Magaalada Berbera Ka Qabsoomay Shir Ay iskugu Yimaadeen Gudida Farsamo Ee Mashruuca Berbera Urban Development Project.

Shirkan Oo Ahaa Kii kowaad Ee Ay Yeeshaan Gudida Farsamo Ee Mashruuca Berbera Urban Development Project, Waxaana Kasoo Qayb Galay Shirkan Maamulka Gobalka Saaxil, Maamulka Degmada Berbera, Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Qorshaynta, Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Hawlaha Guud, Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Arimaha gudaha Iyo Haayada UNHABITAT.

Duqa Degmada Berbera Oo Gunaanadkii Shirka Ka Hadlay Ayaa Sheegay In Sanadkan Gudihiisa Qorshahu Yahay Inay Fulaan Afar Mashruuc Oo Waawayn Oo Kala Ah.

1. Mashruuca Hormarinta Xeebta Dalxiiska Batalaale (Beach Resort Development).

2. Geerashka Gaadiidka Xamuulka (Truck Parking).

3. Wadada Tagaysa Godka Cusub ee qashinka magaalada Berbera.

4. Beerta nashada Berbera (Berbera Public Park).