Berbera: Sariibado cusub oo loo dhisay Ganacsatada caanaha

0

Berbera-(Berneranees)-“Waxan Xadhiga Ka Jaray Sariibada Caanaha Ee Magaalada Berbera, Dhisada Xaruntan Hindisaheedu Waxay Ka Timi Baahi Ay U Qabeen Bulshadu Gaar Ahaan Hooyoyinka Ka Ganacsada Caanaha,

Waxayna Usoo Gudbiyeen Waaxda Qorshaynta Dawlada Hoose Degmada Berbera In Loogu Daro Qorshaha In Loo Dhiso Xarun U Gaar Ah Caanaha .

Anagoo Ka Jawaabayna Baahida Ka Timi Hooyooyinkaa Bacadka ku Ganacsanayaa Waxaan U Kuurgalnay Sidii Loo Dhisi Lahaa Sariibad Casri Ah Oo U Dhamaystirin Yihiin Dhamaan Adeegyadii.

Maalgalinta Waxaan La Kaashanay Haayada GIZ Oo Wax Badan Noo Fududaysay
Agabka La Dhigay Sariibada Waxa Ka Mid Ah #Talaagado Ku Shaqaynayaa #Solar, #Biyaha, #Laydhka, Nadaafada Sariibada Iyo Amaanka Goobtaa Waxaa Damaanad Qaaday Dawlada Hoose Degmada Berbera.” Sidaa waxa yidhi Maayarka Berbera, Cabdishakuur Maxamuud Xasan.