Berbera: waa sidee xaaladda biyaha magaaladu?

0

“Boqolkiiba boqol ama boqolkiiba sideed iyo sagaashan dadka reer Berbera Biyaha way helaan, si kastaba haku soo gaadhaane”Waraysi Maareeye ku-xigeenka Wakaalada Biyaha Berbera

Qore. Saleeban Kalshaale

Berbera(Berberanews)-Magaalo xeebeedda Berbera oo tan iyo markii ay marti-gelisay mashaariicda waaweyn ee Maal-gelineed dhismaheedu si xawli ah u kobcayo, ayaa adeegga dhinaca Biyaha oo ahmiyad khaasa u leh ku noolaanshiyaheeda waxa sanadihii u dambeeyey lagu sameeyey horumar balaadhan, sida ay sheegeen masuuliyiinta Wakaalada Biyaha ee Magaaladaasi oo Wargeyska Dawan la hadlay.

Maareeye ku-xigeenka Wakaalada Biyaha ee Magaalada Berbera Abokor Bile Isaaq oo Xafiiskiisa ugu waramay Wariye Saleeban Kalshaale oo ka tirsan bahda Wargeysyada Dawan oo hawlo shaqo u jooga gobolka Saaxil, ayaa shaaca ka qaaday inay magaaladu biyo ku filan hesho, isla markaana ay qorshaha ugu jirto inay sii kordhiyaan heerka biyo soo-saarka si ay ula socdaan koboca baaxada Magaalada oo aad u kordhaya.

Baahida dhinaca Biyaha ayaa ahayd dhibaato in badan soo jiitamaysay oo ay dadka ku dhaqan Magaaladu ay aad uga caban jireen, hase yeeshee Maareeye Abokor, waxa uu meesha ka saaray jiritaanka wax cabatin ah oo xilligan ka taagan Berbera, isagoo ku qiyaasay inay boqolkiiba sideed iyo sagaashan (98%) bulshada Magaaladaasi ku nooli ay hesho Biyo oo la gaadhsiiyey ilaa deegaamada ay degen yihiin dadka barakacayaasha ah.
Maareeye ku-xigeenka Wakaalada Biyaha Berbera waxa kale oo uu ka warbixiyey mashaariic kala duwan oo lagu horumariyey Wakaalada, sida kordhin lagu sameeyey ceelasha Biyaha, Dhismeyaal cusub oo ay u dhiseen Wakaalada iyo xoojin lagu sameeyey cududa gaadiidka shaqada Wakaalada.
Haddaba Maareeye Abokor oo ugu horayn ka warbixinaya xaalada dhanka Biyaha ee Magaalada oo wariyuhu wax ka waydiiyey ayaa ku jawaabay:

J: Magaalada Berbera afar meelood ayey Biyuhu uga yimaadaan, meel waxa la yidhahdaa Jab, meel Faro-deero, midna waxa la yidhaahdaa Dubaar, goobta ugu shishaysana waxa la yidhahdaa Kal-gumarre oo Magaalada u jirta 30KM masaafo gaadhaysa.
Muddadii aanu joognay runtii ceelal faro badan ayaanu samaynay oo maanta magaalada aanu ku waraabino, waxaanu samaynay Beeb bedel oo aanu ku bedelnay beebabkii Ingiriisku dhigay oo daalay, waxa kale oo aanu samaynay dayactir beebabka qaarkood aanu ku samaynay.
Magaalada Berbera oo aanay xaafado badan biyaha heli jirin ayaanu Biyaha wada gaadhsiinay oo waxa weeye xaafad kastaa maanta Biyo way heshaa, caqabadihii biyo la’aantuna ma haysato.
Mana jirto wax biyo la’aan ah oo meelna laga cabanayaa oo ilaa Xaafadaha barakacayaasha ayaanu Biyaha gaadhsiinay, xaafad kastana beeb ayaa dhex mara”
Dhinaca Biyaha marka laga yimaado, maamul ahaan mudaddii aanu joognay waxa noo hirgalay waxyaabo faro badan. waxa kamida dhisme Fooq laba dabaq ah oo aanu u dhisnay Wakaalada, qalabayn iyo dib u habayn aanu ku samaynay Xafiisyadii hore. Nidaamka maamul iyo shaqaale ee Wakaalada oo aanu wax weyn ka bedelnay, iyadoo aanu shaqaalaha aqoontooda iyadana kor u qaadnay”
Dhanka gaadiidka oo markii aanu ugu nimi gaadiid kooban oo gaboobay aanu ugu nimi, waxaanu soo iibinay oo maanta shaqeeya gaadiid faro badan oo ay Wakaaladu leedahay, markaa wax badana waanu qabanay, waxyaabo kale oo sanadkan qorshaha noogu jira oo oo aanu doonayno in aanu qabanaana way jiraan.

S: Boqolkiiba intaad ku qiyaasaysaa bulshada Biyaha qasabada hesha ee Magaalada Berbera?

J: Boqolkiiba boqol amma boqolkiiba sideed iyo sagaashan (100%, 98% dadka reer Berbera Biyaha way helaan, si kastaba haku soo gaadhaane ilaa Xaafadaha ay degen yihiin dadka barakacayaashu ayaanu biyaha gaadhsiinay.

S. Biyaha Dadku helaan ma biyo macaanbaa mise waa Biyo qadhaadh?

J.Biyaha dadku helaan waa Biyo Macaan, wakhti way jireen Biyuhu qadhaadh ay ahaayeen, laakiinse waxaanu awood badan gelinay sidii aanu ceelasha macaan u gaadhi lahayn, marka Biyaha Berbera intooda badan waa macaan.

S. Mashaariicdan balaadhinta Ilaha Biyaha ma sanadkan ayaad hirgeliseen, mise waxa ahaayeen qaar sanado soo socday?
J: Mashaariicda aanu fulinay waxay ahaayeen kuwii sanadka qorshaha noogu jiray. xagga Biyaha xarunta faro deero waxaanu ka qodnay sanadkan afar Ceel. beebabka dhex mara Magaalada qaybo badan ayaanu bedelnay oo aad iyo aad u daalay.

S: Magaaladu way kobcaysaa oo way sii balaadhanaysaa, baahida Biyuhuna mar walba oo Magaaladu balaadhato way soo kordhaysa, sidee ugu diyaar-garowdeen arrintaas?
J: Berbera waa Magaalo ganacsiyeed. waa Ishii Somaliland ee ay Dekeddu ku taalay. waxa jira qorshe guud oo qaran iyo qorshe Magaalo. kolkaa annagu wixii qorshe Magaalo ah waanu dedaalaynaa. annagoo ka duulayna inay Magaaladu korayso, shirkado imanayaan, Wershado imanayaan, Iminkaaba dhismuhu socdo, waxaanu ku xisaabtamaynaa inaanu ku shaqayno qorshe heer Wakaaladdeed ilaa Wasaaraddeed ah.

S: Laakiinse maanka waa ku haysaan sow maaha inay Magaaladu marti-gelinayso bulsho ka badan intii hore oo ajaanib iyo maalgashadeyaal muwaadiniin ahba isugu jira?

J: Haa, taasi waa mid aanu mar walba ku xisaabtamayno oo aanu ka dedaalayno in aanay marnaba Biyo yaraani dareemin.

S: Gaadiidka aad Iibsateen waa noocma maxaad u isticmaalaysaan?

J: Gaadiidka aanu iibsanay waxay u badan yihiin kuwii shaqada ee gudaha iyo dibada lagaga shaqaynayey, waayo haddii aan gaadiid jirin shaqadu socon mayso. gaadiidka kale ee qodista oo ay Cagafyadu kamid yihiin iyaga laftooda waanu haysanaa.

S: Qiimaha Biyaha Imisa ayaad ka qaadaan Halka Mitir Kuyuubic (One Metre cubic)?

J: Waxaan is leeyahay idinkaaba ugu jaban gobolada Somaliland waxaanu ka qaadnaa halkii Mitir Kuyuubic (One cubic metre) sagaal kun oo shillin (SHLS 9000).

S: Qiimaha intaa le’eeg dadku ma xamilayaan, gaar ahaan dadka danyarta ah?

J: Wakaalada Biyuhu waxay u shaqaysaa inay adeeg biyood gaadhsiiso bulshada danyarta ah iyo kuwa wax hastaba, kharashka yar ee aanu qaadnaana waa mid aanu isla bulshada uun dib ugu celino oo wax loogu qabto, tusaale ahaan dhamaan goobaha danta guud oo dhan wax lacag ah kama qaadno, Masaajidada, Xeryaha Ciidamada, Saldhigyada, Xabsiyada, xanaanooyinka, Iskuullada iyo xarumaha kale ee la midka ah wax lacag ah kama qaadno. iyadoo ay sidaas tahay waxa nagu waajib ah oo aanu halkan u fadhinaa in aanu bulshada kii wax iska bixin karaya iyo kaan waxba iska bixin karayn mid walba xaaladiisa la socono.

S: Xaafadaha barakacayaasha sidee Biyaha ku gaadhsiisaan, iyagase ma lacagbaa laga qaadaa?

J: Dadka barakacayaasha waxaanu u samaynay Baraago biyaha loogu qabto, baraagahaasi ayey ka cabaan. wax lacag ahna kama qaadno.

Ugu dambeyn Maareeye ku-xigeenka Wakaalada Biyaha Berbera waxa uu sheegay inay Shirkadda DP World taageero ka siisay qodista Ceelasha cusub ee ay dhawaan ka hirgeliyeen deegaanka Kal-gumarre, waxaanu intaasi ku daray inay dhankooda Wakaalad ahaan qayb ka yihiin soo dhaweynta iyo adeeg fulinta loogu soo dhiirranayo nololsha iyo ganacsiga Magaalada.