Berbera waxaa ka dhacay doorasho xor ah

0

Waxa maanta Berbera ka dhacday doorasho xor ah oo xildhibaanadii Golaha Deegaanku ku dooranayeen hogaankooda shanta sanno ee soo socda haddii Alle idmo.

Ka dib markii lagu dhawaaqay xubnihii ku soo baxay doorashadii dalka ka dhacday 31kii bishii May, waxa magaalada Berbera habeen iyo maalinba ka socday loollan adag oo loogu jiro guddoomiyaha Golaha Deegaanka iyo ku xigeenkiisa; noqonaya na Duqa Berbera. Taasoo maanta mar labaad loo cimaamaday duqii Berberana loo gartay maayar Cabdishakuur Ciddin. Waa xulasho qurxoon oo ay go’aamisay ka sokow qoraalka Alle, waxqabadkii uu Ciddin ku muujiyey muddo xileedkiisii hore. Hanbalyo hanbalyo ayeynnu dhammaanteen lee nahay.

Haddaba maxaa maanta la gudboon duqa Berbera Maayar Ciddin?

Talo ahaan waxa aan ku odhan lahaa; maadaama aan hore si Public- ah gu ololeeyey maayar Ciddin, maantana taladaydu si Public- ah aan ula wadaagayo:
Wixii haatan ka danbeeya, adiga ayaa u oday ah; adigaa u maayar u ah; isla jeerkaana guddoomiye u ah xildhibaanadii kaa codeeyey iyo kuwii kuu codeeyey ee ha kuu sinmaan, yaanay kuu ka la sokeyn.
Waxaan sidoo kale kugu boorinayaa inaad hoos u eegtid deeganadanna ay si dhab ah uga muuqato caddalaadda waxqabadkaagu, maayar: Bulaxaar, Mandheera, Laasciidle, iyo Xagal.

Caddaaladdu waa cissi uu Alle karaamo badan siiyo kii la yimaadee, u caddaalad fal golahaaga deegaan baan ku soo afmeeri lahaa taladayda.

Illaahay ha kuu fudeydiyo masuuliyaddaas ballaadhan eed markale ugu adeegi doontid shacabkaaga wanaagsan ee Berbera iyo guud ahaan Saaxil oo kuu siman, ku kaa codeeyey iyo kuu codeeyeyna adigaa u maayar ah.