Berbera: Xildhibaan Maxamed Case oo u mahadceliyay taageerayaashiisa

0

Berbera(Berberanews)Xildhibaan Maxamed C/Laahi Cilmi (Maxamed Case) oo ka mid ah musharaxiintii u soo baxay  golaha Deegaanka Berbera,ayaa maanta Taageerayaashiisa mid u codeeyey iyo mid aan u codaynba aan uga Mahad Celinayaa Sidii Wanaagsanayd ee Ay iila Garab Istaageen Hiil iyo  Hooba.

Waxa kale oo uu Xildhibaanku ILLAAHAY uga Mahad Naqay Sidii Nabad Galyada ahayd,ay inuugu soo dhammaatay  Codaynta Doorashooyinkii isku sidkanaa ee golaha degaanka iyo wakiilada Somaliland isagoo arintaa ka hadlaya waxa uu yidhi. “Marka hore  Ilaahay baa mahad iska leh, inoogu hirgaliyey sida nabadgalyada  ah ee ay inuugu qabsoontay doorashadii lamaanayd ee Xildhibaanada Baarlamaanka iyo Degaanka

Mar labaadka waxaan halkan hambalyo iyo Mahad naq balaadhan oo aan la soo koobi Karin halkan uga dirayaa dhammaan Taageerayaashaydii Hiilka iyo Hoogaba ila garabka istaagay ee ii huray inay codkooda isiiyaan iguna soo saaraan Guul dhammaan shacbiga Jamhuuriyada Somaliland gaar ahaan dadka gobta ah ee reer Berbera ee u samray inay codeeyaan maalintii ay ugu kululayd cilimadu

Sida oo kale waxa uu Xukumadda iyo qaybaheeda kala duwan ee ay ugu horeeyaan Ciidamada nabad galyada  ku Hambalyeeyey ugana mahad celiyey  hirgalinta doorashadii ugu culsalayd ee abid dalka ka dhacda, oo juhdi iyo dadaal baalaadhan gelisey sugida amniga doorashada.

Gabagabadii  waxaan  halkan si guud iyo si gaarba bogaadinayaa Shacabka Somaaliland sida ay u muujiyeen bisaylka iyo waaya araganimada guunka ah ee ay doorashooyinka u leeyihiin, Waxanan si niyad ah ugu hambalyeynayaa guusha qaranku wada gaadhay oo dabcan ay qeyb ka ahayeen taageerayashayda