Bild: Lukas Podolski Oo Heshiis Shaqsiyadeed La Gaadhay Kooxda Arsenal.

0

(Berberanews Sports):- Weeraryahanka kooxda Koln Lukas Podolski ayaa ogolaaday inuu ku biiro dhamaadka xilli ciyaareedkan kooxda Arsenal, sida laga soo xigtay jariirada Jarmalka ka soo baxda ee Bild.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa qandaraaska uu kula jiro kooxdiisa Koln waxa uu dhacayaa 2013, waxaana uu dhawaan qirtay inuu ka cadhaysan yahay sida ay sannadihii u danbeysay horumar u sameynin kooxda magaaladiisa ka dhisan isagoo dhawaan iska diiday inuu heshiiska u cusbooneysiiyo.

Inkastoo ay soo baxayeen warar sheegaya in kooxda Koln ay dooneyso inay u soo bandhigto inay u labalaabto mushaharkiisa oo ay siiso xilli ciyaareedkii 5 milyan oo euro, lakiin ciyaaryahanka ay ku adkeystay inuu sugo ilaa Euro 2012 markaasoo uu go’aansan doono mustaqbalkiisa.

Arsene Wenger ayaa muddo dheer xiiseynayay ciyaaryahanka Jarmalka ah, waxaa lagu soo waramayaa in labo jeer laga diiday xagagii dalab uu ku doonayay 26 jirkaan. Lakiin heshiiskiisa oo haatan dhacaya sannad iyo waxoogaa ka dib, Koln ayaan sii ceshan karin ciyaaryahankeda hadiiba ay ku doonayaan inay lacag ku helaan.

Si kastaba jariirada Jarmalka ayaa sheegeysa in Podolski aanuu weli qalinka ku duugin wax heshiis ah lakiin waqti uun uu ka hadhsan yahay inuu sidaasi sameeyo, madaama Gunners ay ka carareyso in saxeexiisa ay tartan kala kulmaan.

Mustafe Maxamud “kastam”

kastam@berberanews.com

Berberanews Sports