Booliska Muqdisho oo toogasho ku dilay nin budhcadnimo ku kacay

0

Muqdisho-(Berberanews)-Ciidamada booliiska Gobolka Banaadir ayaa howlgal ay ka fuliyeen xaafad katirsan degmada Hodan ee gobolka, ku dilay Nin Budhcad ah oo halkaasi dhac ka geysanayey.
Dilka ayaa dhacay kaddib markii Ciidanku iskacaabin hubaysan kala kulmeen dabley budhcad ah Waaxda Taleex ee degmada Hodan.

Taliye kuxigeebka ciidanka booliiska Soomaaliya Jen Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in ciidamada booliiska howlgalka ay fuliyeen ku dileen nin burcad ah halka nin kale oo isna burcad ahaa uu ka baxsaday ciidamada amaanka.
”Ciidanka boliiska ayaa caawa howlgal ka fuliyay Rugta Qudaarta oo ku taal waaxda Taleex ee degmada Hodan, ka dib marka ay shacabka ku soo wargeliyeen in labo nin oo burcad ah oo hubeysan goobtaas shacabka ku dhacaayay, mid ka mid ah burcadka ayaa goobta lagu toogtay halka kalena uu fakaday. Waxaa howlgalka ku dhaawacmay sarkaalka boliiska rugta xukumay, sidoo kalena ku dhintay hal qof shacab ah.” ayey Tidhi Jen Zakiya.
Booliska Magaalada Muqdisho ayaa bilihii la soo dhaafay ugaadhsanayey Kooxo amni darro ka wada Magaaladaas.