Booliska Somaliland oo xidhay affar suxufi

0

Borama(Berberanews)-Ciidammada Booliska magaalada Borama ee Gobolla Awdal, ayaa xabsiga u tacaaxay affar weriye oo ka hawlgala magaalfaas.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Sakariye Axmed Muxumed oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in sifo sharci darro ah lagu xidhay wariyeyaal magaalada Boorama ka howlgala oo maanta xabsiga loo taxaabay.

Guddoomiyaha ayaa ku eeddeeyey xadhiga sharci darrada ah ee suxufiyiintaas Maayirka Magaalada Boorama “waxa naloo sheegay in wariyeyaashaa Saldhiga looga yeedhay, kaddibna waa la xidhay”ayuu yidhi Guddoomiyuhu.