Booqashadaydii Barbara iyo waxaan indha hayga ku soo arkay.

0

Waxa aan booqasho gaaban  ku tagay magaalo madaxda gobolka saaxil ee Berbera, booqashadaydaas oo ahayd Dalxiis iyo tamashlayn.

Hadaba intii aan dalxiis kaas kooban ku jiray, waxa aan ku arkay isbedelo badan oo ku yimiday magaalada Berbera tan iyo intii uu cabdishakuur cidan Mayarka ka noqday Magaalada Berbera. Is bedeladaas iyo hurumrkaasna waxa aan ka xusi karaa:-

Magaaladd Berbera aad ayay u fiday Bari, Galbeed iyo Koonfurba, waxaana laga dhisay guryo aad u qurux badan iyo fooqyo dhadheer qaar socda iyo qaar la dhisayba. magaaladuna waa mid aad u koraysa una dhismaysa.

Wadooyinka halbowlayaasha ah ee magaaladda iyo kuwa xaafadaha dhex meraba waa la dhisay.

Hareeraha wadooyinka iyo guud ahaan magaalada Berbera waxa lagu sameeyey dhirayn taas oo bilicda magaalada kor u sii qaaday

Magaaladu waa  nadiif wax xashiish ahna ku arki maysid wadooyinka  iyo xaafadaha dhexdooda marka aad dhexmarto..

Waddadda tagta xeebta Batalaale waa la dhisay taas oo bilicdii magaalada kor u sii qaaday fududaysayna in dadka u dabaal tagaya Batalaale beach ay si bilaa rafaad ah ku gadhaan.

Inkastoo magaalada Berbera uu maayar cidin aad uga shaqeeyey aadna kor ugu qaaday bilicdeed hadana, Berbera waxaa ka jira dhibatooyin badan kuwaas oo u baahan in wax laga qabto waxaana ka mid ah:

  1. Laydhka oo magaalada ku qaali ah, madaaba Berberi xeebtay waxay u baahan tahay laydh jaban

  2. Nolosha magaalada Berbera oo aad u qaali ah kolka la barbar dhigo magaalooyinka kale

  3. Berbera waxa lagula kacay dhul boob baahsan wakhtigii xukumadii madaxwayne silaanyo ilaa wakhti xaadirkana waa uu ku socdaa BerBera dhul boobkii. haddii magaalada aad bari ama galbeed uga baxdo waxa aad arkaysaa dhul aad u balaadhan oo la dayr tay, Berbera marka aad eegto inta la degan yahay iyo inta la deyrtay, saddex lab inta dayr lagu xidhay ee laga tagay ayaa badan.

  4. Biyo yaraan ku soo fool leh Berbera; madaama magaaladu sii fidayso xaafado cusubna ku soo kordhayaan waa hubaal in magaalad biyo yaraani ku soo fool leedahay.

  5. Xaalufin ku socota buuraha gobolka saaxil taas oo ay hormood u yihiin ganacsato iyo dilaalin la shaqaysata waxaana loo dhoofiyaa dalka dibadiisa.

 Talo soo jeedin:

Waxa aan u soo jeedin lahaa Mayarka magaaladda Berbera iyo golahiisa degaankaba in dadaalka ay ku horumarinayaan magaalada ay halkaas ka sii wadaan oo anay ka daalin. Hadaba meelaha u baahan in wax laga qabtana bilicdoodan kor loo qaado  waxaan ka xusi karaa:

  • Xeebta Batalaale oo u baahan dhirayn taas oo bilicda magaalada kor u soo qaaadi doonta

  • Xeebta Batalaalle Rag iyo Dumarku isku meel ayay ku dabashaan madaama aan umad muslim ah nahay waa In raggama meel gaara loo sameeyaa dumarkana meel gaar ah.

  • Magaaladu waxay u baahan tahay goobo dalxiis ah taas oo soo jeedin doonta dalxisayaasha gudaha iyo dibaddaba dhaqaalana ka soo gali doono magaaladda.

  • In shaqo abuur loo sameeyo Dhalinyarada iyo dadka degaankaba laguna dhiiri galiyo in ay Badda wax kala soo baxaan, Maalgalina lagu sameeyo oo bilaash loogu qaybiyo qalabka iyo doonyaha lagu kalluumaystaba taas oo shaqo abuur u noqon doonta dhalinyarada, dhaqaalahana kor u qaadi doonta.

Dadwaynaha ku dhaqan Berbera waxa aan ayagana u soo jeedin lahaa in aad marwalba qalbiga ku haysaan kuwa loo shaqaynayaa in ay idinka yihiin sidaas darteedna, waa inaad magaaladiina ilaashataan oo aad si dhawo ula shaqaysaan maayarkiina iyo masuuliyiinta ka hoos shaqaynaysaba. Tu kalena ogaada waxaa lagu jiraa wakhti kala guur ah oo doorashooyinka is barkan ee golayaasha degaanka iyo wakiiladda ayaa la gali doona insha allah wakhti dhow, markaa cida aan u soo xulanaysaan masiirkiina iyo mustaqbalkiinaba waa in aad ka fiirsataan, Barbarana yaanay idinka noqon magaalo qof  kaliya horumarkeedu ku xidhan yahay.

Ugu danabayn waxa aan u soo jeedinayaa xukumada dhexe ee uu gadhwadeenka ka yahay Md.Muuse Biixi in ay wax ka qabtaan baahiyaha ka jira Berbera oo ay ugu muhiimsan yihiin:

  • In magaalada loo raadiyo laydh bilaash ah kaas oo aan qiimihiisu ka badnaan 1000slsh ama 0.1$ halka watt.

  • In magaalada biyo balaadhin lagu sameeyo si dadku biyo u wadda helo.

  • In wax laga qabto dhulka la dayrtay taas oo dhibaato ku haysa reer guraaga xoola dhaqatada ah ee xooluhu u daaqi jireen dhulkani wakhtiyada jilaalka lagu jiro sidoo kalena, dayrarkan waxay nabaad guur ku hayaan degaanka guud ahaan.

Qore: Ibrahim ismail jibril

Hargeisa/Somaliland

Mobile: 063-4059400